Nairobi, June 21, 2014-?(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo waftiga  uu hoggaaminayo ayaa maanta ku soo laabtay dalka, kaddib markii uu soo dhamaystay booqasho saddex maalin qaadatay oo uu ugu maqnaa dalka Kenya.
	Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo saxaafadda kula hadlay garoonka Aaden Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka tirsan dowladda Kenya iyo wakiilo ka kala socda Hay'ado caalami ah. Ujeedka safarka Ra'iisul Wasaaraha ee magaalada Nairobi ayaa ahayd ka qeyb galka kulanka 99-aad ee dalalka ku bohoobay African, Caribbean, and Pacific Group of States , laguna soo gaabiyo (ACP) kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi.
	 “Dalka Kenya waxaan u tagnay wada hadalo ku saabsan adkaynta xiriirka naga dhexeeya oo aad la socotaan inaan wadaagno wax badan anagoo isla soo qaadnay arrimaha Qaxootiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo madaarka warfidiyeenada kula hadlay.
	Dhinaca kale waxa uu  tilmaamay in Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya si nabad gelyo ah  dalka loogu soo celin doono ciddii diyaar u ah inay dalkooda ku laabtaan.
	kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya
	dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa intii booqashada ku joogay  dalka Kenya,kulan qaatay saacado badan la yeeshay Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta.
	Waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.
	Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu uga warramay Madaxweyne Kenyatta horumarrada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda dalka Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalinta ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaga jiraan sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah.
	War laga soo saaray kulanka labadan dhinaca waxa lagu sheegay in Ra’iiusl Wasaaruhu Madaxweynaha Kenya uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee Lamu oo lagu qaaday dadka rayidka ah iyo saldhigga booliska.
	 Wuxuu sidoo kale, isagoo tixraacaya inay shalay ahayd Maalintii Qaxootiga Adduunka, uga mahadnaqay dadka Kenya sida ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu soo dhoweeyeen Kenya dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay, marti-gelinta qaxoontiga Soomaaliyeed.
	“Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo walaalo ah. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ah ee u dhexeeya labadeenna dal. Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya sida ay noogu garab taagan tahay inaan hagaajinno amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Waxaan Madaxweyne Kenyatta ka wada hadalnay arrimo badan oo danaha labada dal ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii aan u fulin lahayn heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee la gaaray. Waxaan dooneeynaa inaan hore u sii wadno xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isla markaana aan iska kaashanno dadaal walba oo danta gobolku ku jirto,” ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo hadlay.
	 
	Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isna dhankiisa hadlay kulanka kaddib,aaya  sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, isagoo ballan qaaday in ay dawladdiisu ku dadaaleeyso sidii ay u taageeri lahayd horumarkaas una xoojin lahayd iskaashiga labada dal. Wuxuu intaa raaciyay in dawladdiisu ay dhowaan si rasmi ah safaarad uga furan doonto magaalada Muqdisho.
	“Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo waana saaxiib, waxaa naga go’an in aan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dawladood. Si taa loo sii hagaajiyo, waxaan dhowaan magaalada Muqdisho dib uga furi doonnaa safaaraddeenii. Shacabka Kenya iyo Soomaaliya waa dad isku mid ah oo dano fara badan ay ka dhexeeyaan. Waan sii wadi doonnaa inaan garab taagnaanno shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, mana jiri doonaan caqabado naga hor istaagaya in aan si wadajir ah uga hortagno kuwa khatarta ku ah amniga labada dawladoodba,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
	Waa kulankii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan labada dhinac, muddo dhowr bilood ah oo ay sii kordhayeen qul-qulatooyinka amni daro ee ay xoogaga al-shabaab ka wadaan gudaha Kenya.
	Cabdiraxmaan Buur-dhaab
	Gobanimonews
	Nairobi Office
	 
