Tuesday, June 24, 2014

Weerrar kale oo dad lagu laayay Kenya


weerUgu yaraan 5 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday tuulada Witu ee gobolka xeebta ku yaala ee  Kenya.




Mas'uuliyinta dowladda ayaa sheegay in shanta qof lagu dilay meel aan ka fogayn degaanka Mpeketoni ee dad kor u dhaafaya 60 ruux.




Mas'uuliyiinta ammaanka Kenya ayaa sheegay inay baaritaan ku samaynayaan dadka ka dambeeyay weerarka cusub.




Todobaadkii hore ayaa dad tiro lagu laayay weerarro  ka dhacay xeebta Lamu.




Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka Mpeketoni, balse madaxweynaha Kenya ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin maxali ah inay ka dambeeyeen weerarkaas.