Tuesday, June 24, 2014

Axmed Siilaanyo oo mar kale Inqilaabay hogaanka Kulmiye iyo khilaaf hor leh


Madaxweyne Siilaanyo oo Shirkii Golaha dhexe laba bilood dib u dhigay, yaase awood u leh..Warbixin




siilanyo4Hargeysa(GNA)-Muran ayaa wali ka dhex aloosan Xisbiga talada haya ee kulmiye, inkasta oo ay dhamaan dhinacyada khilaafkii hore u dhexeeyay qaadeen talaabooyin xal lagu gaadhi karo.




Shir maanta ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday taag-taag iyo ismari waa, kaasoo laga soo wariyay dhacdooyin sababi kara inay dib u bilaabanto xiisadii labada dhinac u kala qaybisay xisbiga.




Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay isku mari waayeen isugu yeedhista Golaha dhexe ee Xisbigu yeelan doono ee Xukuumaddu soo magacowday, taasoo Guddoomiye Muuse Biixi ka gows adaygay inuu shir isugu yeedho, si loo qabto kulanka Golaha dhexe.




Waxa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Hogaanka Xisbiga oo la safan iyo garabka Muuse Biixi mar kale afku ka duulay, isla markaana kulanka lagu soo kala dareeray.




Shirkii Golaha dhexe oo dib loo dhigay




war ka soo baxay Xisbiga kulmiye Garabka Madaxweyna oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Xasan Siciid, ayaa lagu sheegay in shirkii Golaha dhexe ee cusub dib loo dhigay ilaa bisha August horaanteeda.




Warsaxaafaddeedka ayaa lagu xusay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaanka xisbigu isla qaateen go’aanka dib u dhigista.




“Shir  uu  isugu yeedhay maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Golaha Hoggaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku ekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigay mudada lagu jiro Bisha Ramadaan.




Sidaas darteed, Xubnaha Hoggaanka ku joogay intooda badan (majority), waxay ka aqbaleen madaxweynaha codsigaas isaga ah.




Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo  illaa inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka.




Xad-gudub sharci




Dib u dhigista Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga waxa awood u leh Guddoomiyaha Xisbiga oo ah hogaamiyaha guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ilaa Golaha dhexe Guddoon cusub dooranayo.




Xoghayaha Guud ee Xisbigu awood sharci uma laha inuu soo saaro go’aan noocan ah, Madaxweyne Siilaanyona waa xubin ka mid ah Guddida fulinta ee xisbiga, hase ahaatee sharcigu uma fasaxayo inuu hawlaha xisbiga keligii Jaan-gooyo.




Ismaandhaaf wali sii socda




Sida ka muuqata warsaxaafaddeedka, hogaanka xisbigu iskuma raacsana dib u dhigista shirka Golaha dhexe iyo arrimaha maamul ee xisbiga qaabka loo wadayo.




Inkasta oo xubno ka mid ah hogaanku garabka madaxweynaha la socdaan, hadana labada masuul ee ugu sareeyaa waxa iska cad inay ka biyo diidsanyihiin xaaladaha taagan.




Duruufo adag




Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay labadii bilood ee ugu dambeeyay xiisad kulul oo khilaaf ka dhexaysay, waxa horyaala duruufo adag oo halis ku ah jiritaankiisa.




Duruufahaasi waxa ka mid ah dib u noolaynta midnimadii xisbiga iyo  in la waajaho xal u helida qodobadii muranku ka dhashay ee magacaabista Guddida fulinta iyo golaha dhexe.




Labada dhinac waxa u kala magacaaban laba guddi fulineed iyo laba Golle dhexe oo ashkhaasta lagu xusay kala duwanyihiin.




Midkoodna kamuu noqon shaacinta liisaskii uu soo saaray ee Goleyaasha Xisbiga.




Muuse Biixi ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu ka noqday hadafkiisii Musharaxa Madaxweynaha, taasoo uu uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo.




taasi waxay ka dambeysay xaalad adag oo loolan badan abuurtay.




Taageerayaasha Muuse Biixi kumay qancin go'aanka Muuse.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com