Hargeysa (GNA)- gudoomiyaha gudida garsoorka, cadaalada iyo
dastuurka golaha wakiilada Somaliland. Siciid Cilmi Rooble, ayaa
Xukuumada ku eedeeyay inay iska dhago marinayso inay ku dhaqanto
Xeerka Saxaafadda ee Barlamaanka Somaliland Ansixiyay islamarkaana uu
saxiixay Madaxweynihii hore Somaliland.
Xildhibaanku Waxa uu sheegay in Maalin kasta Xamar Saxafi lagu dilo,
halka Hargaysa-na Saxafi lagu xidho.waxa uu sheegay Xeerka kaliya ee
Saxaafaadda lagula dhaqmi karaa uu yahay kaliya Xeerka Saxaafadda ee
Sharciga ah ee laysla ogyahay,waxii intaas dheerina uu yahay Sharci
daro iyo wax aan lagu dhaqmi Karin.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu sidaasu ku sheegay shir
jaraa’id oo isaga iyo xildhibaano kale golaha wakiilada ka tirsan wada
jir u qabteen maanta, waxaana hadalkiisa ka bilaabay
“sharciyad qarankan ka soo dhamaatay golayaasha ka soo dhamaatay
madaxwaynihii hore Daahir Riyaale Kaahin saxeexay dhaqan galay ay
hayadihii garsoorka iyo xukuumada ay diidan yihiin inay ku dhaqmaan
waxa weeyaan xeerka saxaafada. Maad maqlaysaan waxa ka dhacaya Xamar,
maalinba Suxufi ayaa lagu dilaa,Hargaysana Suxufi ayaa lagu
Xidhaa”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa hoosta la xariiqay in hadii la
tix-galin waayo Xeerarkii Madaxweynihii hore ka Maantana aan kuwiisa
la tixgalin doonin, waxa uu tilmaamay inay Gole ahaan ay u yeedhi
doonaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dalka, si wax looga weydiiyo waxa
hortaagan ku dhaqanka Xeerka Saxaafadda Dalka. Waxa uu Siciid Cilmi
Rooble farta ku fiiqay in Hadii sharciga iyo Qawaaniinta dalka u taala
lagu dhaqmi waayo ay taasi sababi doonto in ay meesha ka baxdo
Sharciyada iyo kala danbaynta lagu kala socdaa.