Thursday, June 26, 2014

Hanaanka Loo Maray Xukunkan Suuqa Madaw ah ee Lagu Qaaday HAATUF


Hanaanka Loo Maray Xukunkan Suuqa Madaw ah ee Lagu Qaaday HAATUF waa Mid Ka Darajo Liita Habkii Loo Soo Agaasimay Xukunkii Maxkamadii Badbaadada ee Mugdisho Ku Riday 1988-kii Cumar Carte iyo Siyaasiyiin Kale.




Akhristow waxaa muuqata in nidaamkii ay umadda somaliland heshiiska ku ahayd ee dimuqoraadiyadda loo bedelay boqortooyo ,wargeyska HAATUF iyo masuuliyiintiisa lagujma haysto danbi ay galeen ,laakiin waxa lagu haystaa in wargeysku wax ka qoray ninka la yidhaahdo Baashe Cawil oo uu sodog u yahay Siilaanyo iyo wasiir macdanta Xuseen Cabdi Ducaalle.




Arintaasi aynu soo sheegnay bedelkeediina waxaynu aragnaa in wargeyskii dawladu lahayd ee DAWAN iyo wargeyska kale ee Somaliland today  si joogta ah loogu caayo maalin kasta madaxda xisbiyadda mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi(Cirro) ,Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ,Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Warabe  iyo masuuliyiinta madaxsha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo dhamaantoodba ka tirsan mucaaradka somaliland.




Hadaba saaxiibayaal maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido xukuumadda siilaanyo nidaamkii dimuqoraadiyadda ee lagu doortay in ay u bedeshay boqortooyo waxaa u daliil ah , waxa degmada taleex ee somaliland ka tirsan tegay wafti wasiiro ah ,waftigaasi wasiirada ah waxaa la sheegay in uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyadda Mr Xirsi ,iyadoo uu waftigaasi ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade.




Hadaba waxa muhiim ah in aynu marka hore fahano  waa maxay shaqada wasiirka madaxtooyaddu iyo waxyaabaha uu wakiilka uga yahay madaxweynaha waa maxay se shaqada wasiirka arimaha guduhu iyo waxyaabaha uu wakiilka uga yahay madaxweynaha.




Shaqada wasiirka madaxtooyadu waa in uu maamulo oo uu kala habeeyo sida loola kulmayo madaxweynaha iyo cida la kulmaysa.




Shaqada wasiirka arimaha guduhuna waxay tahay oo uu madaxweynaha wakiil uga yahay badka dhulka somaliland ku fadhiyo oo dhan ,tusaale ahaan hadii la raaco nidaamka dawladnimada dibuqoradiga ah waftigan wasiirada ah ee TALEEX tegay mar hadii uu ka mid ahaa wasiirka arumaha guduhu sharci ahaan waxay ahayd in Cali Warancade uu noqdo hogaamiyaha waftiga ,waayo TALEEX iyo xaafad ka mid ah Hargeysa iyo dhulka somaliland intiisa kale oo dhan waxa madaxweyanaha wakiil uga ah ,wasiirka arimaha gudaha.




Hadii se aynu eegno nidaamka boqortooyadda hadii wafti ka socda dawlad boqortooyo ahi ay meel kale iska daaye safar ugu baxaan dalka gudihiisa oo qof boqortooyadda ka tirsani uu waftigaasi ka mid yahay hogamiyaha wafiga waxa noqda qofkaasi ka tirsan qoyska reer boqor.




Marka kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota taariikhdu markii ay ahayd 09/06/1982-kii ayey xukuumadii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre xabsiga u taxaabtay 7 masuul oo intooda badani ay xilal kale duwan marka ka hayeen dawladii marka jirtay iyo 32 qof oo kale oo iyaga lala xidhiidhinayey waxaana 7-da masuul lagu eedeeyey in ay maleegayeen shirqool ka dhan ahaa dawladii marka jirtay waxayna todobadaasi masuul kala ahayeen.




1: Ismaaciil Cali Abokor oo markaa ahaa madaxweyne ku xigeenkii sadexaad




2: Cumar Carte Qaalib oo mudo dheer ahaan jiray wasiirka arimaha dibadda




3: Cumar Xaaji Masale oo markaa ahaa wasiirka gaashaandhiga oo mareexaan ahaa qaraabo dhawna ay ahaayeen Maxamed Siyaad barre




4: Maxamed Adan Sheekh oo isaguna markaa ahaa wasiirka caafimaadka oo mareexaan ahaa xigto aan sii kala fogeyna ay ahaayeen Maxamed Siyaad Barre




5: Cismaan Maxamed Jeelle oo ka tirsanaan jiray golihii sare ee kacaaka ee loo yaqaanay SRC xilal kala duwan oo wasiirnimo ahna ka soo qabtay dawladii milateriga ahayd




6: Maxamed Yusuf Wayrax oo soo qabtay jagada wasiirka maaliyadda ee dawladii milateriga ahayd




7: Warsame Cali Faarax oo isaguna xilal  kale duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay dawladii Siyaad Barre oo isagu xabisga ku geeriyooday intii aan maxkamadba la hor keenin.




 




Hadaba mudanayaal iyo marwooyin dhageysiga dacwadani waxay si rasmi ah uga furantay maxkamadii badbaadada ee mugdihso ee uu Gudoomiyaha ka ahaa General maxamuud Geelle yuusuf bishii DECEMBER Ee 1987-kii ,anigu markaa waxaan joogay dalka isku taga imaaradka carabta ,waxaanan magaaladda mugdihso u tegay si aan uga mid noqdo 50 qof oo loogu talo galay inay goob joog ahaan uga qayb galaan mudada ay socoto dhageysiga dacwadu.




Sidoo kalena intii ay socotay dhageysiga dacwada waxa loo ogolaa inay si joogta ah uga qayb qaataan dad ka badan 200 boqol oo qof  oo isugu jiray ehelada iyo axaabta 38-kii eedeysane ee dacwadoodu soocotay sidoo kalena waxa dhageysigii dacwada loo ogolaaday inay ka qayb galaan wariyayaal ka tirsana hay’ado warbaahineed oo caalami ah oo uu ka mid ahaa Siciid Bakar Mukhtaar  oo ahan jiray wariyihii idaacadda BBC-da ee mugdisho.




Sidoo kalena hogaamiyaha ama hormoodkii qareenadii ama looyaradii difaacayey eedeysanayaasha wuxuu ahaa Qareen Ismaaciil Jimcaale Cosoble ,mudadii ay dhageysiga dacwadu socotay waxaan xasuustaa in maalin maalmaha ka mid ahayd in uu qareen Ismaaciil Jibcaale Cosoble gudoomiyihii maxkamadda badbaadada Maxamuud Geelle Yuusuf ee maamulayey dhageysiga dacwada uu ku wargeliyey in dhamaanba looyarada difaacaya eedeysanayaasha ay dacwada ka baxayaan ,waxaanu mr Geelle weydiiyey waxa ay ka cabanayaan looyaradu,waxaanu mr jimcaale ku jawaabay maxkamadu xeer ilaaliyaayaasha eeda soo oogaya waxay siisa waqti dheer oo ay ku faah faahin karaan waxa ay sheegayaan ,qareenada difaacaya eedeysanayaashana maxkamadu ma siiso waqti ku filan oo ay isaka riixi karaan ama ay ku beenin karaan dacwadan been abuurka ah ee la soo dhuubdhuubay.




Hadaba mr Geelle oo ahaa kaligii taliye madax adag wuxuu markiiba ogolaaday in uu waqti isku mid ah la siin doono xeer ilaalishayaasha eeda soo oogaya iyo qareenada difaacaya eedeysanayaasha,halka maanta qareenadii difaacayaye masuuliyiinta wargeyska HAATUF loo joojin waayey markii ay sheegeen inay dacwadda ka baxayaan haddii aan dacwadda laga wareejin garsoore ay hore u dureen oo laga aqbalay oo dacwadda laga wareejiyey, markii danbana si suuq madaw ah garsooraha laftisii dacwadii loogu soo wareejiyey.




Hadaba waxaa dhacday in taariikhdu maalintii ay ahayd 07/02/1988-kii tobankii subaxnimo iyadoo ay maxkamada ku sugan yihiin dad aan ka jareyn dhawr boqol oo qof oo isugu  jiray goob joogayaal ,eheladii iyo qaraabadii eedeysanayaasha iyo wariyayaal ka kala socday qaybo kala duwan , ayuu gudoomiyihii maxkamadii badbaadadu Maxamuud geelle Yusuf ku dhawaaqay  xukunkii maxkamada oo isgu jiray dil ,xabsi daa’in ,xadhigyo dhaahdeer iyo kuwo fudud iyo ganaaxyo lacageed oo aad u yaraa , mr Geelle oo aan warbaahinta la hadli jirin markii uu xukunka ku dhawaaqay wuxuu ogolaaday in uu shir jaraa’id qabto oo uu faah faahin ka bixiyo xukunka uu soo saaray.




Halka maanta garsoorihii xukunka suuqa madaw ah  ku riday masuuliyiinta wargeyska HAATUF,iyadoo salaadii subax lagu jiro 25/06/2014ka la laayahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay sidii diyaaradii maleesiya oo uu warbaahintana uu ka dhuuntay.




Ujeedada kaliya ee aynu maanta qisadan uga danleenahay maaha in xukunkii maxkamadii badbaadadu soo saartay uu wanagsanaa ama uu xaq ahaa ,waxaynu se is bar bar dhig ku sameynayna qaabkii ay maxkamadii badbaadadu ee melateriga ahayd u maamushay dacwada miisaanka weynayd iyo dariiqa indho la’aanta ah ee loo maray xukunka HAATUF.




Hadaba waxaan hadalkayga ku soo gunaanadaya cabudhinta saxaafada iyo xoriyatal qawlku sumcad xun ayay u soo jiiday somaliland oo dhan ,waxaanan siilanyo kula talinayaa in uu si deg deg ah xoriyadooda ugu soo celiyo wargeysyadda HAATUF iyo HUBAAL.




Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa kaligii taliye mar marka qaar garwshiyo bixiya oo 07/02/1988-kii oo ahayd maalintii uu Geelle ku dhawaaqay xukunkaasi aynu soo sheegnay Siyaad Barre wuxuu si shuuruud la’aan ah u ogolaaday baaqii kaga yimid beesha caalamka ee ahaa in 38 -kii eedeysane ee ay maxkaamdu xukunka ku riday uu xoriyadooda u soo celiyo,maalmo yar kadibna uu fuliyey Siayad Barre codsigii beesha caalamka, Siilaanyo-na maanta loogama fadhiyo sii deyta masuuliyiinta oo kaliya ,waxa se looga fadhiyaa xayiraad ka qaadista wargeysyadda HAATUF IYO HUBAL iyo in uu ilaaliyo madax banaanida garsoorka ,xeerka saxaafadda iyo xoriyatal qalwka.




Hadaba isku soo wada duuboo Borosiijarka  Loo Maray Xukunkan Suuqa madaw ah ee Lagu Qaaday HAATUF waa Mid Ka Darajo Liita Habkii Loo Soo Agaasimay Xukunkii Maxkamadii Badbaadada ee Mugdisho Ku Riday 1988-kii Cumar Carte iyo Siyaasiyiin Kale.




Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland