“Xadka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu u xidhanyahay xaaladdo nabad-gelyo..”Warsaxaafaddeed ka soo baxay Somaliland + Warbixin xaasaasi ah
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Dalka Jabuuti ku wareejisay saddex qof oo lala xidhiidhinayey Qarax dhawaan Dalkaas laga fuliyay oo la sheegay inay isku haligeen laba qof oo Somali ah.
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo dhacay 24kii Bishii May, waxaanay Dawladda Sheegtay in dadka fuliyay ka soo galeen dalkeeda xadka Somaliland.
Bilayska Somaliland ayaa shalay Madaarka Hargeysa ku wareejiyay saddexda qof ee Djibouti loo dhiibay oo laba usbuuc ka hor Hargeysa lagu qabtay, waxaana ka mid ah laba Nin oo u shaqaynayay laba shirkaddood oo Ganacsi.
Cabdilaahi Sheikh Cabdiraxmaan oo ah Mawaadin u shaqaynayay xawaalada Juba express qaybteeda Somaliland iyo Nin la sheegay inuu Telesom u shaqaynayay, ayaa ka mid ah Ragaas oo dhamaantood habeen iyo maalin is-xiga Boolisku qabteen.
Somaliland iyo Djibouti ayaa hore u sheegay inay ka wada shaqaynayaan baadhista dadkii ku lug lahaa qaraxyadii dalkaas ka dhacay.
Caddaadis kaddib
Dawladda Jibouti ayaa la sheegay inay Somaliland cadaadis ku saartay inay soo wareejiyaan dadkaasi la tuhunsanyahay, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay sarkaal diblomaasi ahi.
Wasiirro xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo dhawaan Dalka Djibouti socdaal ku tegay, ayaa la sheegay inay xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ku canaanatay sababta ay u soo wareejin waayeen Raggan.
Toban ku dhawaad kale oo laga qabtay Gudaha Magaalada Jibouti ayaa falka ismiidaaminta ah loo xidhay, iyadoo xadka labada dalna xidhnaa tan iyo markii weerarku dhacay.
Saraakiisha labada Dawladdood ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil ka bixiyaan qaabka uu u dhacay hawl-galka baadhista wada jirka ah lagu fuliyay “Arrintaasi waa arrin baadhiseed, ma doonayno inaan ka hadalno, waxna lagama qori karo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Axmed Cambaro oo ah Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland.
Wareejinta Mawaadiniinta ayaa loo arkaa mid lagu deg degay, isla markaana dadka arrimahan sharciga tacliiqiyaan sheegayaan inay ahayd in lagu maxkamaddeeyo dalkooda.
Sababtoo ay tahay Somaliland waxay ka mid tahay dalalka Gobolka ee saxeexay la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcadbaddeeda, taasoo u ogolaanaysa cidii gudaha dalkeeda ka fulisa ama lala xidhiidhiyo dambiyadaas inay maxkamaddeyn karto.
Tobanaan kale oo u xidhan tuhuno argagixiso ayaa ku jira xabsiyada Somaliland, kuwaasoo aan wax fal ah ka geysan dalka, balse tuhuno iyo caddeymo loo helay ka tirsanyihiin Ururka Al-shabaab loo xidhay.
Mida kale Saraakiisha amniga Somaliland marna wax tafaasiil ah kamay bixin halka ragani ka soo galeen Qaraxyadii Djibouti, manay soo bandhigin wax caddeymo ah oo lagu helay, oo ka markhaati kacaya doorka ay ku lahaayeen.
Xudduud xidhan
Wareejinta Mawaadiniintan ayaa ku soo aadaya xili ay wali xidhanyihiin Xadadka ay Somaliland la wadaagto dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo cabsi darteed loo xidhay.
“Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa hada u xidhan arrimo xaga nabad-gelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaalami lahaa, iyo ammaanka Gobolkaba”sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafaddeed wasaarada arrimaha dibada Somaliland ka soo saartay kulan maanta dhex maray wasiirada Khaarajiga ee Somaliland iyo Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Addis-ababa.
“Waxa jira is-kaashi adkaynta nabadda ah oo ka dhexeeya wadamada Somaliland la jaarka ah, sida Ethiopia iyo Djibouti.”ayaa lagu sii sheegay warsaxaafaddeedka laga soo saaray kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee labada dal dhex maray tan iyo intii xuduudka la xidhay.
Labada Wasiir ayaa Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa shirka soo socda oo ay labada wadan wada yeelanayaan Bisha soo socota bilowgeeda oo ka dhacaya magaalada Dirir Dhaba ee Ethiopia kaas oo lagaga wada hadlaayo qoddobo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo nabad-gelyada, shirkaas oo ay ku kulmayaan guddiyo xaga farsamada ah.”ayaa warsaxaafaddeedka lagu sii sheegay.
Dhinaca kale, Djibouti iyo Somaliland wali si waadax ah kamay wada hadal xuduudka xidhan, wallow wufuud Somaliland ka socdaa Djibouti tegeen.
Jibouti ayaa looga diyaar garoobayaa xuska sanad guurada xoriyada dalkaas oo bishan June dabayaaqaddeeda oo dhan socota.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com