Sida aynu wada ogsoonahay soomaaliland waxay xornimadeeda markii ugu horaysay ka qaataday waanka ingiiiska taariikhdu markay ahayd 1960 bishii june 26keedii nasiib daro se waxay xornimadaasi kaga dhacday ceel dhooqo iyo cuduro badan waxay ahayd wixii la dhihi jiray soomaaliwayn waxaynu kala kulanay ihaanaysay qayra caadi ah iyo cadaalad aro baahsan oo dhinac walba taabanaysay siyaasa iyo arrimo bulsho intaba waxaa lasoo gaadhay in layidhaaho magaalada Hargiesa lagama dhisi karo wax ka badan hal dabaq arinku markuu inagu adkaaday ee dhinac walba la inaga dulmiyey ayaa waxaa aynu go,aan ku gaadhnay inaan lalaabano gobanimadeenii balse waxay inagu qaataya dagaal dheer oo qadhaadh kaasi oo aan u hurnay dhiig fara badan iyo dhaqaale baan waxaan ku waynay geesiyaal fara badan oo agteena qaali ku ahaa waxaan u marnay bara kac laxaad balaadhan nasiib wanaag waxaan wadankeena marlabaad la wareegnay oo aan ciidamadii manaxaankii arxanka darnaa ee maxamed siyaad barre laf dhabarta ka jabinay 1991kii 18 bishii may.
isla taariikhdaasi waxaa shirwayne lagu qabtay magaalada burco shirkaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ururkii SNM ay kana soo qayb galeen dhamaan qaa,ilka dagan soomaaliland waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay jamhuuriyada soomaaliland oo leh calan gaar ah iyo lacag u gaar ah.
laga soo bilaabo ilaa maalintaasi ilaa hadana laga soo gaadhaayo shirkii Boorame waxaa ay soomaaliland soo maraysay maalinba meel imikana waxay maraysaa wakhti ay aduunka tusaale wacan ugu noqotay dhinac walba oo lasoo qaado xaga dhaqaale, xaga maamulwanaaga. xaga hore u marka, xaga isku tanaasulka marka ay wax dhacaan ama arin lagu kala aragti duwanaado, dhinaca kala danbaynta iyo ixtiraamida sharciga dhinac kastaba soomaaliland waxay noqotay tusaale wacan ama waxaan odhankarnaa waxay noqotay cadceed caafimaad oo kasoo if baxday geeska afrika oo runtii dhibaatooyin fara badan iyo dagaalo ragaadiyeen kuwaasi oo soomaaliland diyaar ugu tahay inay kala qayb qaadato xalinta khilaafaadka dhexdooda yaala.
hadaba iyadoo ay sidaa tahay oo soomaaliland maanta kaliya caalamka uga baahan tahay inay siiyaan ictiraaf caalami ah dadaal aan kala go lahayna ugu jirto sidii ay ugu guulaysan lahay waxay ay u socoto oo ah inay ka mid noqoto wadamada aduunka ayaa waxaa habeen iyo maalinba ka daba qaylinaaya koonfurta soomaaliya oo iyadu gubanaysa una baahan gurmad caalami ah isla markaana maamuli kari wayday kaliya madaxtooyada xamar runtii waxaanu soomaalia ka sugaynay waa inay iyagu kow ka noqdaan wadamada soomaaliland aqoonsada balse waxay taasi ugu badashay inay aflagaado iyo soo noolayn dhaawacyadii ay hore soomaaliland ugu gaysteen ay soo kiciyaana taasina waa mid runtii aan lamahdin doonin.
soomaalia waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa inaanaan mar danbe diyaar u ahayn wixii la isku dhihi jiray ama riyadii ahayd soomaaliwayn oo aad idinku dumiseen ila hadan aad sida waraabaha is cunaysan.
soomaaliland way tashatay way socotay waxay dib u heshay wadankeedii waanay dhisataye hanagu danseegina kaliya waxaa inoo wacan inaan ahaano laba wadan oo jaar ah oo walaalo ah oo is ixtiraama hiil iyo hoona kala hela intaasi waxa dheer waxaanu u aragnaa deelqaaf iyo gar daro.
waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan soomaalia waxaan leeyahay HAKU DAALIN JEEDAAL INADHA SOOMA JIIDAAN QALBI KAA JANJEEDHEE.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)
bestlawyer1982@hotmail.com