Daradaaran Aan Halkan Ugu Dirayo Dadka Mucaashaqiinta Ah
Aha ceebeeyn Ruux aad Shalay Jeclayd- Hajarin Xidhiidka Qof aad Shalay Jeclayd
Qormadeenan Waxaanu Ku Soo Qaadaneynaa Shan Qodob Oo Xeel Dheerayaasha
Cilmiga Bulshadu usoo jeediyeen Ruuxa Muqaashiqa ah In uu Raaco
1-Murugo Ha Ku Xasuusan Jacayl Kaa Fashilmay :ha umurugoonin waayo jacayl oo ku soo maray xataa hadii uu yahay mid murugo xanbaarsanaa .Waayo jacaylku waa sida ubaxa.ubuxu hadii uu Qallalo urtii udgooneydna ka guurto qodax kaliyana ka soo hadho. Miyaanad xasuusaneynin in uu Shalay udug lahaa oo indhu ku doogsanayeen Faraxadana kuu hibeyn jiray . Taa ugu Tusaalo Qaado oo xusuustaa hore ee fiican ku samir
2-Hajarin ruuxaad Jeceshahay oo aad isku Xumaateen :qofkaad is jecleydeen oo aad isku xumaateen umar biriij kasta oo xidhiidkiinu isku mari karo .waayo ma ogid in uu xidhiidhkiinu mar uun sidii ku soo noqon karo hana ku fekerin in waayihii quruxda badnaa dhamaadeen ee idin soo maray ma ogid in uu adiga barri kuu baahan karo hana falin wixii uu falay ha aargudan adigoo eegaya waayihii qadhaadhaa eek u soo maray maankana ku hay in waayo quruxbadan in ay idiin hadheeyn
3-iska jin in aad dhaawacdo qalbiga ruux ku jecel oo aad ka go,ayso :hadii aad maalin uun go,aansato in aad ka tagto qof aad jeceshahay ama aad ka baxado qof aad jacayl la wadaageysay –iska dharw in aad tagto isaga oo dhaawac qaba .sideebuu damiirkaagu kuugu ogolaan karaa dhamaan ruux kuu furay qalbigiisa aayar ka wareeg.
hana raacin in aad ka doonto in aad cadawgiisa wareysato ama qof dan kale le in aad hadalkiisa u raacdo
4-Ha ka waramin ceebaha Ruuxii aad jacayl ku wada socoteen:hadii ayaamihiinii wanaag sanaa dhamaadeen qof aad is jecleydeen marnaba ha ka sheekeen ceebihiisa iyo sirihiisa ugaarka ah waxa aad marwalba xusuusnaataa in uu ahaa wehel kaagii aad qalbigaaga ku casuuntay waqti badana ku lumisay ka fikirkiisa iyo raali ahaantiisa
5-hadii aad ogaatid in qofkii aad jecleyd in uu albaabada kaa xidhay :Talada kaliya een aan ku siinayaa waxa weeye in karaamadaada iyo sharaftaada ka mihiinsan yihiin dhaawac uu qalbigaagu qabo.hadii qalbigaagu dhaawaciisu dhiigii ka qulqulay ay buuxiyaan inta dhulka iyo cirku isku jiraan waxa aad ogataa in aaney faa,iido kuu lahayn in aad uqeyshato jacayl aan ku maqleyn.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com