Ciyaaryahanka cagta fudud ee Angel Di Maria ayaa qiray in mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid aanu sugnayn, inkasta oo uu xili-ciyaareedkii hore ka mid ahaa rukunnadii u horseeday in kooxdaasi noqoto horyaalka Naadiyada Yurub.
26 jirkan u dhashay wadanka Argentine oo hadda ku sugan wadanka Brazil oo uu kaga qayb gelayo koobka adduunka, ayaa waxa uu sheegay in aanu damaanad qaadi karin in uu xili-ciyaareedka soo socda uu u ciyaari doono kooxda LosBlancos iyo in kale.
“Wakiilkayga waxa aan u sheegay in uu igu wargeliyo wada-hadallo kasta oo socda. Ma garanayo waxa dhici doona, mana rabo in aann wakhtigan wax ka ogaado mustaqbalkayga waayo wadankayga ayaan diiradda saarayaa, mana rabo in aan eego waxa meelo kale ka socda” sidaa waxa yidhi Di Maria oo warbaahintu weydiisay musqablakiisa.
Ciyaaryahankan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Arsenal, Juventus iyo Monaco kuwaas oo lacag badan ku doonaya. Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay ciyaartoygan ku fasixi karto lacag dhan £40 million sida uu qoray wargeyska Daily Star.
Di Maria waxa uu xili-ciyaareedkii tegay muujiyey ban-dhig ciyaareed soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubadda cagta iyo kooxaha waaweyn ee Yurub, waxa uu saxeexay 7 gool, waxana uu caawiye ka ahaa 22 gool oo kale, waxaanu awooddiisa ka dhex muujiyey xiddigo lacag badan kooxda ku jooga sida Gareth Bale oo uu booska ka cidhiidhsaday iyo Cristiano Ronaldo.