Tuesday, June 24, 2014

DAN IYO DUCO OO QAATAY $1700 000....... Qalinkii Cabdi ismacil jamac


Dan iyo duco waa guddi uu ku midoobay bahwaynta beeshe ciise muuse waxa la dhisay  dhawr sano horteed iyadoo ujeedadii loo aasaasay ay hayd horumarinta iyo isku xidhka beesha .




 




 Hadaba waxa beryana soo baxaya arrimo kale oo ah in ay guddidii ka leexeta hawshii loo xilsaaray iyaga oo ku shaqaysanaya magacii beesha




Iyadoo hawsha ugu badan ee ay ku mashquuleen ay tahay in ay dilaalaan warshada sibidhka ee berbera ,iyadoo u diidan cid kastoo oo udiyaar ah inay maal galiso .




 




Hadaba waxa cadaatay inay maalmahan dilaaleen oo ay $1700,000  ka qaateen shirkada dahab shiil taas oo yaab ku noqotay cid kasta oo arrinkaas ka war heshay .




 




 waxaan filayaa in dan iyo duco iyo dahabshiil ay lamid tahay misadii ku riyootay iyadoo hilib cunaysa waxaan odayaashaas kula talin lahaa in warshadan ay sheekadeedu taagnayd 23 sanadood sababta ay u xidhantahayna mar walba qorsho xuma iyo daacad daro ay samaynayeen dadka hawsha ku jira .




Hadaba anigoo ah dadka ka soo jeeda beesha loo tirinay inay warshadaa dalka iyo dadkaba wax u tari lahayd ku fadhinayaan kana mid ahaa dadkii dawladii hore u ogalaatay inay maalgashaadaan ahna ganacsade waxaan umadda reer soomaliland iyo ciise muusaba u sheegayaa in aanay waligeed xal noqonay in dad yar oo reernimo ku maxafsanaysaa u suurgalayn in warshadaasi dhaqaado.




 




 dahabshiilana waxaan leeyahay DAHABSHIIL AYAA BADGALAY horuu nin u yidhi , kuu suuro gali mayso inaad lacag iska daadiso ciise muuse oo dhana lacag u qaybin mayid did isugu noqo oo doono lacagtaada waxaan ku soo gunaanadayaa (WARSHADA SIBIDHKU WAXA GO, LAGU QAADO KA WAYN)




 




Cabdi ismacil jamac




063-444654




Idle01@hotmail.com




Berbera SL




Berbera