Baqdaad(GNA)-Reysal-wasaaraha Isra’iil banjo mien Netanyahu Israa’il , ayaa xaqiijiyay inuu taageerayo aasaaska dawlad loo dhiso dadka Kurdiyiinta ah ee Waqooyiga Ciraaq.
Arrintan ayuu sheegay inay ka mid tahay danta laga leeyahay in la xoojiyo Dagaalka lagula jiro Khaliifada islaamiga ah ee lagaga dhawaaqay dalka Ciraaq.
Kurdiyiinta Ciraaq ayaa muujiyay inay leeyihiin Siyaasad dhexdhexaad ah oo ay ku hanan karaan maamul gaar ah, kaasoo ay u qalmaan in loo dhiso.
Reer Galbeedka ayaa u muuqda inay ka fikirayaan sidii ay u kala jajabin lahaayeen Dhulweynaha ciraaq, si ay uga hortagaan inay ku sii fidaan Ururka Daacish oo dagaal qadhaadh kula jira Ciidan ka dawladda Ciraaq.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com