Xukuumadda Ciraaq dilka garsoorahan may xaqiijin, saraakiisheeduna may diidin wararka sheegaya in la qabtay toddobaadkii hore
Garsoorihii xukunka dilka ah ku xukumay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, ayaa kooxaha suniyiinta ah ee ka dagaalada Suuriya iyo Ciraaq ee loo yaqaan ISIS sheegeen in ay qabteen, kuna fuliyeen xukun dil ah.
Garsoore Raouf Cabdulraxman oo xukun dil ah ku xukumay sannadkii 2006 maalin Ciidal-Odxa ah Madaxweynihii dawladda Maraykanku afganbiday ee Saddan Xuseen, ayaa kooxda wararku sheegeen in xukun dil ah lagu fuliyey.
Xukuumadda Ciraaq dilka garsoorahan may xaqiijin, saraakiisheeduna may diidin wararka sheegaya in la qabtay toddobaadkii hore, waxaana la rumaysan yahay in la qabtay June 16-keedii, kadibna uu dhintay laba cisho ka dib.
Khaliil Attieh oo ka mid ah madaxda ISIS,
ayaa bogga uu Facebook ku leeyahay ku daabacay in garsoore Rahman oo hoggaaminaayey Maxkamada Sare ee dambiyada Ciraaq waqtigii Saddam Xuseen dilka daldalaada lagu xukumay ay xidheen, kadibna ay dil ku xukumeen.
“Waxa la xidhay kacaan yahannadii Ciraaq, waxaana lagu xukumay dil, iyadoo lala xidhiidhinaayo dilkii lagu xukumay Mujaahid Saddam Xuseen,” ayuu yidhi Khaliil oo hadalkiisa uu soo xigtay wargeyska Al-Mesyroon.
Attieh waxa kale oo uu sheegay in Garsoore Rahman uu isku dayey inuu ka baxsado Baqdaad, isagoo xidhay dhar kuwa dadka qoob-ka-ciyaarka ku shaqaystaa xidhaan, balse gacanta lagu dhigay.
Sidoo kale Izzat Ibraahim Al-Douri oo ahaa ku-xigeenkii hore ee Saddam Xuseen, waqtigana madax u ah ISIS, ayaa facebook ku baahiyey in la qabtay Garsoorahaas.