Taleex(GNA)-Wasiirro ka socda Somaliland ayaa xalay ka ambo baxay Magaalada Hargeysa , waxaanay u socdaaleen Gobolka Sool, gaar ahaan deegaamo dhawaan ay xiisad ku dhex martay Ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo.
Weftiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Magaalada Taleex, halkaasoo ay hada ku suganyihiin.
Weftiga ayaa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inay qiimeyn ku soo samaynayaan baahiyaha Bulshada ee deegaanka ka jira, gaar ahaan dhinaca adeegyada oo aan la gaadhsiin muddo ka badan labaatan sanaddood.
Degmada Taleex ayaa xarun u ahayd labadii sanadood ee ugu dambeeyay Maleeshiyaadka Khaatumo, iyadoo ay dhawaan ka saareen ciidanka Somaliland.
Weftiga ayaa waxa xubno ka ah xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeedda Gobolka Sool gaar ahaan deegaamada ay booqdeen.
ma jiro wax war ah oo ka soo baxay weftiga, hase ahaatee xubno ka mid ah dadkii soo dhaweeyay ayaa Gobanimonews u sheegay in Magaalada si wanaagsan loogu soo dhaweeyay.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com