Friday, November 7, 2014

Xukuumadan Kulmiye oo Xalkeedii Noqday, Xigte u Miis, Xoog Wax Ku Doon Xabad & Dagaal, Xadhig & Xabsi , & Xoola Urursi, & Xaqoo La Aaso.

Waxa Jirta in Markii Xiligii Doorashadu Kaab ina Soo Saartay, ay Xukuumadii Siilaanyo ay u Tafa-
xaydatay, Si aan Doorasho u Qabsoomin oo Wadanka ay Carqalad uga abuuri lahayd oo Rabshado
u abuuri lahayd, iyadoo taasi ay ku hoos jiraan waxyaaba badan oo ay u sibir saarayso, hadii ay dhac-
do in doorashadu xiligeedii ku dhacday, aanay wax coda aanay helayn oo Daadka la raacin doono oo
weliba Xaar-wadooyinka lagu dari doono.

Sidaas Darteed, Kol Hadaanay Wax Cod ah aanay helayn waa inay sidii kale ee ay Kursiga ugu sii Fadhi-
yi Lahayd oo ah Mudo Korodhsi ah ay Dhibaato & Rabshado Wadanka Uga abuuri lahayd.

Waxay Ka Biloowday Bariga oo ah Tii Baliga Diiriye Guuleed, waxay kale oo
ay soo abaabushay si ay Dad-
weynuhu u Kaco Dilkii Qorshaysnaa ee Saraakiishii Ciidanka Lagu Laayey ee Qorilugud, waxa kale oo ay
hadana kicisay tii ay sida indha adkaanta ay ugu wareejisay Maktabadoo Gandi oo ay Dhalinyarada ku
kicinaysay oo ay siisay Ina Faarax Xarbi oo Xigtanimo uu Madaxweynuhu Wareegto Ku Siiyey.

Ta Kale, ay Wadanka oo dhan rabtaa in Khalkhal ku Gelisaa waa Dhibaatada & Qalalaasaha ay ka Dhex
wado Baarlamaanka, oo Saleebaan Gaal oo Mus Dambeedka ugu Fadhiya Siilaanyo inuu mudo Kordhin
lagu soo heshiiyey in Baarlamaanka Layska Hor Keeno oo laysku jeediyo si aanay u ansixinin Komishinka
oo ah halka Doorashadu ka soconayso, ilaa imikana aan wax xal ah laga gaadhin, oo Doorashadii lagu
xanibayo oo isbaaro uu Siilaanyo & Saleebaan Gaal Hor dhigeen.
siilaanyo44

Hadaba, iyadoo waxaas oo dhan jiraan, ayaa warbaahintiina Jeelka lagu gurey, iyadoo wax Dambiya oo ay
sameeyeen aanay jirin ee wax xaqiiq ah oo ay Sawiro ka qaadan oo aanay been abuurin lagu xidhay, oo ah
tii Gabiley Calanka Kulmiye Badhna La Gubay, Qaarna Lugaha Lagu Masaxay.

Maantana Eexdii & Hiilkii Cadaa ee uu Weligiiba Siilaanyo Caanka ku Ahaa ee uu Reerkiisa ugu Hiilin Jiray
ee aan Gabashada lahayn, ayaa Berbera ka Socota oo Wasiirka Imika Somaliland Dheeraadka Ku Noqday
ee wax baan Xidhayaa & Wax Baan Dilayaa & Xabad Cas & Jeelal Fogfog uun Ku andacooda ee Daakhiliga
uu RRu, & Ciidamo u Kaxaystay, Si amar laga Siiyey Madaxtooyada oo Maxjarkii ay Ganacsatadsata Reer
Somaliland Lahaayeen, Kibirka Lagu Burburiyey ee Ciidan Beeleed Siilaanyo Ka Soo Jeedaa ay Cagta Mar-
iyeen, Halkaasi Rabash Ka Socdo, oo Xiitaa Golihii Degaanka loo Dalbaday Ciidan Garaaca oo Jidh Dila.
Markaasi Xukuumadan Xal Noqon maayo Xabad & Xadhig ee Waxaanu Cod Dheer Ku Leenahay
Siilaanyoow Wadankii Waadigaa Wareershee Ka Buldhe, oo Ka Bax oo Ka Buldhe.

Siilaanyo Berigii aad Timidbaa, Nabadii Bukootoo, Anana Kuuma Baahnine Ka Buldhe.
Siilaanyo Markii aad Timidbaa, Maamul Gobol Samaysee, Ka Baxoo Ka Buldhe
Siilaanyo Adigoo Magac U Yaala oo Maqaar Saar ahbaad Umadii Xasuuqdee Ka Baxoo Ka Buldhe.
Siilaanyo Nin Jeclaysi & Musuq & Xaaraan Baad u Jeceshay ee Ka Baxoo Ka Buldhe.
Siilaanyo Umadii Cuqubiyo Inkaar & Ilaahoow Na Dhaafi Yey Rabigood Ka Tuugaan ee ka Baxoo Ka Buldhe.
Siilaanyo Magacaagii Wuu Ba,ay, oo Macangag Baad Tahay, ee Ka Bax oo Ka Buldhe
Hadaba, Kuuma Baahnin ee Ka Bax oo Ka Buldhe.
Aniga ayaa Ka Masuul ah Qoraalka Cid Kale eed Kuma Laha.
Sidaa & Dalkeena oo Wacnaada.
mustafe Axmed Herer
Gobanimonews
hargaysa/somaliland
heresax@gmail.com