"Afkoo Laysku Xidho Waa Waxay Eeday Faqashtii"
Inkasta Warbaahitu Caam Ahaan Tahay mid siman Meel kasta oo laga leeyahay, waxaa Telefishanka Universal Ay Xukuumada Somaliland Gaar Ahaan Wasiirka Wasaarada Warfaafintu Uu Ka Mabnuucay In Guud Ahaanba Aaney ka Hawal-galin Dalka Somaliland, Iyadoo lagu eedeeyey In Uu Baahiyey Barnaamijyo Meel Ka Dhac ku ah Qaranka Somaliland Iyo Madaxweynaha Somaliland, Waxaa Wada-Hadal ka Dib Dhex Maray Mulkiilaha T.vgaasi Iyo Wasiirka Wasaarada Dib Loogu Ogolaaday In la Cafiyey, Waxaa Wasiir Wasaarada Warfaaafinta Oo Arinta Tvgaa Ka Hadlayaa Ka Mid Ahaa Hadaladiisii
'Universal Hore Waxay Gaf uga Galeen Qaranka Waxaa Noo Yimid Suldaan hebel, Kadib Waanu Iska Cafinaya, Ilahayba Dee Dabi Waa Dhaafaa'
Hadaba Waxaa Su'aasha Is Waydiinta Mudani Tahay Waa Maxay Sababta loosii Dayn Waayey Wargeysyada Maxaliga Ah Ee laga Leeyaha Dalka Somaliland Ee Hubaal Haatuf iyo Somaliland Times oo kusoo bixi Jiray Af ingiriisiga, Haddii la Fasaxay Kuwii Qaranka Iyo Madaxweynaha Danbiyada Ka Galay Maxaa Lasii Dayn Waayey Wargeysyada u Xayiran Shaqsiyaadka Ka Tirsan Xukuumadan,?
Mise Waxay Ka Miisaan Bateen Qarankii Iyo madaxweynahiisii................................
Laso Warbixitan Oo Dhammaystiran...
W/Qalinkii A.A