Saturday, November 8, 2014

Xisbiga WADANI Oo Cambaareeyay Xadhiga Dhalinyaradda Reer Gar-adag iyo Suxufiyiinta

Burco(GNA)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si kulul cambaareeyay Xadhig iyo Xukunno Xukuumadda Siilaanyo si Sharciyada ka baxsan ugu fulisay dhalinyaro ka soo jeeda Degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag oo Xisbiga Kulmiye ka baxay iyo weliba Suxufiyiinta ku xidh-xidhan Gobolka Gabilay iyo Gar-adag .

Xoghayaha Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xisbiga Wadani Hinda Jaamac Gaani Oo Maanta Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Burco ayaa ku eedeysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay Shacbigii doortay ula dhaqmayso qaab keligii talis ah, isla markaana ay musuq iyo maamul xumo ku samaysay masuuliyaddii umaddu ugu igmatay inay ugu adeegto.

Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI oo arrinkaa kuwo kaleba ka hadashay waxa ereyadeedii ka mid ahaa; “Shacabku wuxuu qabaa cago-juglayn ay ku hayso Xukuumada KULMIYE ee baalka daran, dadkii reer Gar-adag ee doortay iyadoo aan dib loogu noqon hadii Maanta ay dareenkooda cabireen Sandule laguma hayn karo fikirkooda, sidii Maxkamadii Geele Siyaad Bare ayaa Ceerigaabo looga keenay Maxkamad iyo xeer ilaalin, dabadeed qolbaa guudka lagaga handaraabay oo lagu xukumay”.

“Dadkaa waxaa lagu xukumay xadhig Sagaal Sano ka midyahay ,markaa waxaanu leenahay Xukuumada bal cabudhin codkaad ku hesho waa la arki doonaa”. Sidaa waxa tidhi Xoghayaha Arrimaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADANI, iyadoo hadalkeeda sii wata intaas raacisay. “.. haddii go’aanka Xukuumaddu noqday in Reer Gar-adag iyo reer Gabiley, waxaan leeyahay markii sida luwiga qaawanaa ee laylka soconaayey hadii aanan luun kaba ka rogin lur ima gaadheen”.

Gobanimonews

Burco Office

Email: editor@gobanimonews.com