Wednesday, November 5, 2014

Waxgaradka, Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Deegaanka Sabo Wanaag Oo Ku xukuumada Eedeeyay waddani ku biiray

BAAQ IYOHargaysa(GNA)-Dhalinyarada Jaamacadaha,waxgaradka , odayaasha,siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kala duwan Ee bulshada beesha BA_TOLJECLO Ee (CABDALE-ISAXAAQ) ayaa shirar gooni,gooni ah Oo habeeenadanba Uga socday Caasimada SLND
Ee Hargeisa ayaa waxay Aad uga dayriyeen Baahiyaha iyo dhibaatada ku gedaaman degaamada SABAWANAG Ee gobolka MAROODI-JEEX,Oo Xukuumada Axmed Maxamed Siiraanyo hagratay kana masuugtay wax ka qabashada baahiyihii aas-aasiga ahaa. Beeshan Oo xukuumada ku Eedaysay in afartii sano Ee Xukuumada Kulmiye jirtay aanay

1 qof Oo masuul ah Oo ka tirsan Xukuumada aanu iman Deegaamada Sabowanaag Oo ka kooban 33 Tuulo Caawimo kale haba joogtee safarada Uu Madaxwayne Siilaanyo ku dhexmaro ayuu boodh iyo qiiiq mooyane aanu xitaa salaan ugal
degen dadka deegaamada Sabowanaag.

Shirkan ay beeshu kaga arinsanaysay Aayaheeda iyo danaha deegaamadeeda ayay ku Eedeeyeen Xukuumada Kulmiye mid fadhiid ah iyo waxqabad la’aan,Eex iyo Musuq-Maasuq, iyadoo beeshu ku baaqday in xukuumadu dadka u xaqsoorto.

Sidoo kale waxay beeshu isku raacday in ay codkooda siin-doonaan Xisbiga Waddani Oo ay u arkaan in Uu wadanka ka saari-karo qaskan iyo jaahwareerka siyaasadeed ku habsaday isla markaana noola muuqda in Uu yahay Xisbiga ka dhabayn-kara balanqaadyadiisa.

Intaasi ka dib Beeshu waxay soo dhawaysay Murashax Jamaal Aadan Diiriye,Oo u ordaaya Murashaxnimada Beelaha Maxamed-Ismaaciil Oo bashani ka mid-tahay horena ay ugu balanqaaday in isku soo taago Xildhibaanka Baarlamaanka Somaliland Ee doorashada 2015-ka.

Dood iyo falan qayn dheer ka dib, waxay dhinacyada kulankaasi ka qayb-galay xukuumada ku booriyeen in ay cadaalada ku dhaqanto hantida qaranka Ee la boobkana dayso Oo Cadaalad dalka ku hogaamiso inta lagu soo gaadhayo.Waxa kale Oo ay digeen dhibka dhasha arimaha shidaalka Oo beryahan hadal-haynteedu suuqa ku jirto

Wabillahi tawfiiq Alla mahadlle
Guddida bayaanka soo saaray
1.Gud Sh Cabdale Cabdiraxmaan Jaama.(Ina Cabdi-Yarre)
2Gud/ xigeen:Maxamed Garaad Yusuf
3.Xuseen Ibraahim Guulleed
4Cabdiqaadir Caaqil Jaamac Cabdi
5.Cabdiwahaab Cisman Jaamac(Toox)