Gaalkacayo (GNA) – Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay weriye C/risaaq Cali Cabdi (Silver) oo ka tirsanaa hawl wadeenada Idaacadda Daljir, una soo warami jiray telefiishanka HCTV, sidaas waxa weriyey Dhamays.com
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda israac oo ay ku taallo xarunta Idaacada uu ka howl-geli jiray, mana jirto cid sheegatay ama loo qabtay toogashada Suxufigan.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Warbaahinta sheegay, in Kooxo Baastoolado ku Hubaysan isla Markaana an Haybtooda la garanayn ay ku toogteen isagoo Makhaayad lagu caweeyo fadhiya, halkaasoo ah meesha loo yaqaan Xero Daraawish.
Goob-joogeyaasha ayaa intaas ku daray inay kooxdu baxsadeen, waxaana marxuumka loola cararay Cisbitaalka Magaalada halkaasoo maydkiisa la dhigay.
Wariyeyaal badan iyo dad shacab ah ayaa isugu soo uruuray Cisbitaalka.
Ma jiro war ka soo baxay Dawladda oo ku saabsan dilka suxufiga ilaa hada, iyadoo ay habeen ahayd awgeed.
Hase yeeshee Booliska Magaalada ayaa iyaguna soo gaaray mar dambe goobta dilku ka dhacay, iyagoo su’aalo waydiiyay dadkii halkaa ku sugnaa.
Waa wariyihii labaad ee lagu dilo labadii sanno ee u dambeeyay, waxaana sanadkii 2013 kii magaalada lagu toogtay suxufi u shaqayn jiray Telefishanada.
Wariyaha caawa la dilay , ayaa ahaa Nin xaasley ah, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo labo carruur ah,asxaabtiisa khaaska ah ayaa sidaas sheegay.
FG. Bahda Gobanimo News Agency iyagoo ka tiiraanyeysan falkan, waxaanu cambaareynaynaa gabood falada dilka, xadhiga iyo tacadiyada kale ee lagu hayo Suxufiyiinta Somaaliya ka howl-gasha. Waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo bartilmaameedsiga cadaawada muujinaya ee loo geysanayo wariyeyaasha” waxa kale oo aan tacsi u diraynaa dhamaan bahda Saxaafadda Soomaalida ee uu ka tirsanaa oo aan leenahay alle samir iyo Iimaan ha inaga siiyo Silver iyo intii kale ee ku dhimatay gacanta Xaq-darada ah”
“Si gaar ah waxaan uga tacsiyadaynaynaa howl-wadaagta HCTV iyo DARJIRE RADIO ee uu la shaqaynayay”.
Wariyeyaal tiro badan ayaa lagu dilay sanadihii la soo dhaafay Gobollada koonfurta, Badhtamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa wariye Maxamed Maxamuud timo-cadde oo markii ugu dambeysay Muqdisho lagu toogtay. Kuwo kale oo boqolaal gaadhaya ayaa loogu geystay dhaawac, xadhig iyo handidaad kale.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com