Xisbiga UCID waxa uu taakulayn doonaa caruurtii mujaahidiintu dhasha oo ay dhamaan waxbarashada bilaash uga dhigi doontaa,qalabka waxbarashana ku ca awin doontaa,si gaar ahna u daryeeli doontaa.
Xisbiga UCID waxa uu xoog saari doonaa tayada goobaha barbaarinta(Kinder garden or Nurserys),mana jiri doonto malcaamad iskeed loo furtaa,sharci ayuu u samayn doonaa,guud ahaan waxbarashada waxa uu u samayn doonaa shuruuc iyo siyaasad cad(Education Policy) ay ku dhaqanto.Xisbiga UCID waxa uu kor u qaadi doonaa tayada macalimiinta,waxa uu kordhin doonaa barashada malinimada(Faculty of Education) ee heer jaamacadeed,macalimiinta haatan shaqaysa ee aan heer jaamacadeed ahayn iyagana waxa loo diri doonaa jaamacadaha dalka si aqoontoodu tayo u yeelato,waxaana kor uu u qaadi doonaa mushaharka macalimiinta si loo helo macalimiin ta yo leh.< o:p>
Halkaa hadaan kaga gudbo qorshaha waxbarashada ee xisbiga UCID waxa qormada danbe aan ku guud mari doonaa wasaarada shaqada iyo hay’ada shaqaalaha.
La Soco…………..
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secr.
UCID
0634026100
Hargeysa/JSL