Hargeysa(gna)Maalintii Shalay ayey ahayd markii wasiirka warfaafinta u qaabilsan xukuuumadda silanyo Cabdilahi Cuksue uu aflagaado iyo cambaarayn sidii looga bartay dusha uga tuuray warbaahinta madaxa banaan ee somaliland taasi warbaahinta ilaa shalay laga soo baahinayey,waxaana uu ku tilmaamay saxafada xorta ah ee dalka somaliland hada ka shaqaysa in ay tahay saxaafad ka shaqaysa xumaanta iyo qabyaalada,oo kala fogaynaysa dadka somaliland,balse maanta mareegta gobanimo news waxa ay doonaysaa bal ninka sidaasi leh in ay kaydkiisa taariikhda dib idiin xasuusiso waxaana aana sida aad muuqalkan ka dheehan doontan idiin soo gudbinaynaa kaalintii uu ka qaatay hurintii iyo isku dirkii dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay dhawr iyo sagaashanadii,waxaana in ka badan ilaa toban muuqaal oo uu isaga laftiisu ka soo shaqeeyay waxa aad waliba ka dheehan karaysaa ereyada uu ku hadlayo iyo sida uu coladaasi sokeeye iyo isku dirkii umadda kaalinta laxaadka leh uga soo qaatay marka aad daawato muuqaalkan maanta adigaa go`aanka gaadhi oo is waydiin ma yahay nin maanta halkii uu umadda cafis iyo samax waydiisan lahaa oo uu ka xishoon lahaa in uu cid war xun gudbin ku eedeeyo oo uu yidhaahdo saxafada maanta ayaa ka shaqaysa qabyaalad iyo isku dir...
mustafe Axmed Herer
Gobanimonews.com
Hargaysa/Somaliland