Wednesday, November 12, 2014

Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada-hadlaya Korantada iyo Wado-tareen isku-xidhaysa labada dal

Somaliland iyo Itoobiya oo ma isku fahmi doonaan Iskaashiga Dhaqaalaha?

[caption id="attachment_101416" align="alignleft" width="300"]Wasiirka A/somaliland iyo Dhigiisa Maaliyada Itoobiya Wasiirka A/somaliland iyo Dhigiisa Maaliyada Itoobiya[/caption]

Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Dalkaas Axmed Sufyaan, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland gelinkii dambe ee Arbacada Maanta.

Waa weftigii ugu balaadhnaa ee ka socda Dalka Itoobiya oo Booqasho ku yimaada Hargeysa muddo saddex sannadood ah, miisaan ahaana wuxuu ka koobanyahay weftigu Wasiirro muhiim ah oo uu horkacayo Ninka Dhaqaalaha u qaabilsan Dawladda dhexe oo aan horey booqasho ugu iman halkan.

Taasi waxay muujinaysaa talaabo ka duwan waxyaabihii ay hore iskaashiga uga lahaayeen labada dal ee xuduudka iyo xidhiidhka dhow lahaa 20-kii sannadood ee ugu dambeeyay, laakiinse lama sii saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonta waxyaabaha ay ka wada hadlayaan u badan dhanka Ganacsiga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay markii weftiga la soo dhaweeyay.

Maxamed Biixi Yoonis oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa Warbaahinta u sheegay inay weftigan ka wada xaajoon doonaan arrimaha Iskaashiga labada dal oo ku saabsan Dekedda Berbera, Adeegyada korantada iyo dhismaha waddo-tareen isku xidhaysa labada Gobol sanadahan ugu dambeeyay hindisaha ugu jirtay. “Mashruuca wali aan dhidibada loo taagin ee Berbera Cori door, ayaa suurto gal inay ka wada hadlaan, balse wasiirka khaarajiga Somaliland si toos ah carabka ugumuu dhufan.

“waxyaabo badan ayaanu ka wada hadlaynaa oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxa ugu muhiimsan Dekedda Berbera, Laydhka, jidka tareenka iyo arrimo kale oo ku lug leh arrimaha horumarka dalkeena” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Axmed Sufyaan oo ah Wasiirka Arrimaha Dhaqaalaha Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa isna sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta balaadhan ee loo sameeyay, waxaanu intaasi raaciyay in ujeedka safarkoodu yahay sii xoojinta xidhiidhka labada Dal, siiba dhinaca dhaqaalaha.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa horey iskaashi wanaagsan uga lahaa dhanka sugida amniga xuduudda u dhaxaysa iyo siyaasadda, laakiinse xadka u dhexeeya ayaa sanadkan muddo dhowr bilood ah u xidhnaa cabsi dhinaca nabad-gelyada ah oo ka timi xagga Itoobiya, taasoo saamayn ku yeelatay isu socodka bulshooyinka labada dhinac, gaar ahaan dadka ka tegaya Somaliland oo adeegyada caafimaadka iyo howlo kale oo dhoofka dibaduhu ugu muhiimsanyahay u tegi jiray Addis-ababa.

Dhinaca kale, Dalka Itoobiya ayaa si weyn u danaynaya isticmaalka Dekedda Berbera oo ah tan ugu istaraatiijisan Geeska Afrika marka la eego bogcada ay dhacdo, waxaana intaasi dheer istaraatiijiyada Itoobiya inay adeegga Korantada ee Abey soo gaadhsiiso Somaliland , iyadoo ay Ganacsato reer hargeysa ahi arrintan dabada ka riixayeen dhowrkii sannadood ee ugu dambeeyay.

Saleban Abdi Ali

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com