Saturday, November 8, 2014

Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways Adeegyo Duulimaad oo Cusub soo Kordhisay

jubbaShirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways, ayaa shaacisay Adeegyo cusub iyo duulimaadyo ay shirkadaasi u soo kordhisay Macaamiisheeda, kuwaasoo si hufan macaamiishu ay uga heli karaan dhamaan xafiisyada Shirkadda ee adduun-weynaha iyo dalka gudihiisaba.

sidaasina waxa lagu sheegay dhambaal warbaahinta loogu talo galay oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay xafiiska Mareegta Gobanimonews ee Magaalada Hargeysa.

Kaasoo u dhignaa sidan: "Dhamaan Bulshad weynta reer Somaliland ku dhaqan waxa ay Shirkadda Duulimaadyadda Diyaaraddaha Casriga ah ee Jubbo Airways ay ugu bushaareynaysa lana socodsiineysa adeegyo duulimaadyo cusub oo ay ku soo kordhisay Macaamiisheeda kala duwan ee Somaliland u soo kordhisay.

Duulimaadyaddan cusub ee ay Shirkadda Duulimaadyadda Diyaaraddaha Casriga ah ee Jubbo Airways Macmiisheeda sharafta leh u soo kordhisay kuna wargelineyso ayaa adeegyadda duulimaadyadaasi iyo magaalooyinka ay kala yihiin ay noqon doonaan sidan hoos ku qoran.

1.Hargeysa To Dubia maalaha Jimacaha/Axadda iyo Salaasadda.

2.Hargeysa To Muqdisho Maalmaha Sabtidda/Isniinta iyo Arbacadda.

3.Hargeysa To Jabuuti Maalmaha Jimcaha/Sabtidda.

4.Hargeysa To Bosaaso Maalmahaa Sabtidda/Arbacadda

5.Hargeysa To Galkacayo Maalmaha Sabtidda iyo Arbacadda

6.Hargeysa To Nairobi Maalmaha Isniinta/Arbacadda.

Waxana Inay sidaasi Macaamiisha Sharafta leh ee ku xidhan Shirkadda Duulimaadyadda Diyaaraddaha Casriga ah ee Jubbo Airways ay sidaasi u la socdaan jadwalka.

Wariye: Mr Hudle

Abdiwali1991@gmail.com

Hargeysa/Officce Somaliland