Hase-yeeshee, xogo kala duwan oo laga helayo ilo-u-dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa arrinkan, ayaa iftiimiyey in qorshahani inuu si cad usoo shaac-baxay, kadib markii dibeda usoo baxay nuqul qoraal ah oo muujinaya heshiis lagu sheegay inuu hordhac oo dhex-maray Masuul oo Madax ka ah Shirkado gaar loo leeyahay (Private), lana kala yidhaahdo Cumar Siciid iyo Abraham Amiga.
Qoraalka muujinaya heshiiska is-afgarad ee dhex-maray labada dhinac oo nuqul ka mid ah lagu faafiyey Shabakada Wararka ee Qarannews, ayaa sida ku cad hadal qoraalka Warqada waxay ujeeddada heshiiskani ku saleysan yahay labada Masuul ee Madaxda ka ah Shirkadaha Safeway Travel Agency iyo Ethiopia airline ku hawl-galaan in Ganacsade Siciid Liisanka ka soo dhameeyo Xukuumada Somaliland, Masuuliyiinta Itoobiyan Airlines-na marka sharciga Ganacsi soo baxo heshiis rasmiya la galaan shirkada cusub ee ay wada-aasaaseyaan.
Cumar Siciid oo Xafiis tigidhada diyaaradaha dilaala (Safeway) ku leh Magaalada Hargeysa, ayaa sida ku cad qoraalka la soo bandhigay ku dooday inuu kalsooni buuxda ka haysto Xukuumadda Somaliland ee uu kaga xidhanyahay Liisanka helida Shirkad bixisa adeegyada ay ku shuraakoobayaan.
Sidaasoo ay tahay, hadana Dadka u dhuunta daloola arrimahan ayaa aaminsan in heshiiskani yahay mid ay Wasiirrada ololaha ugu jira arrintani ku doonayaan inay sameeyaan Shirkad ay iyagu qeyb ka yihiin oo ku isiman Ninkan sheegtay inuu Shirkad ajenabi ah kasoo dhameeyey aasaaska Shirkad la wareegta maamulka iyo maareynta adeegga Madaarada Somaliland.
Geesta kale, waxa qorshahan dadka dhaliila wasaaradda Duulistu ku tirinayaan mid ka mid ah Sheegashooyinkii wax-qabad ee aan midho-dhalka lahayn ee uu Wasiirka Duulista Hawadu ku tiraabi jiray marka la soo hadal qaado ama indhaha Bulshadu qabtaan musuq-maasuq iyo lunsi Mashaariic loogu talo-galay Madaarada dalka, taasoo la mid ah sheekooyinkiisii fashilmay ee uu ku adeegsaday Magaca Shirkadda Emirates Airline oo uu Sanadkii hore iyadoo aan wax is-faham ahi dhex marin uu Wasiirku Warbaahinta ka sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka ka bilaabayso Duulimaadyo caalami ah, arrintaasoo dad badan oo reer Somaliland ahi u riyaaqeen, balse sida warka lagu sheegay maalmo gudahood Shirkadan Carbeed been-abuur cad ku tilmaantay hadalkaasi Wasiir Xaashi ka soo yeedhay.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Wasiirka Duulista Hawadu uu hore u sheegay inay Shirkadda Turkish Airline ka bilaabi doonto Duulimaadyo toos ah Madaarada Somaliland, taasoo markii noqotay hadal afka ku kooban oo aanay waxba ka hirgelin.
Marka laga yimaado dareennadaasi, daba-gal iyo xaqiiqo raadin Wargeyska Yool ku sameeyay mowduuca ku saabsan in Wasiirada kor ku xusani qorsheynayaan sidii ay Qaranka uga dhaxal-wareejin lahaayeen Maamulka iyo gacan-ku-haynta Madaarada, sidoo kalena ay adeega wareejin lahaayeen Shirkadda NASHA oo muddo dheer gacanta ku haysay guud ahaan Garoomada Diyaaradaha ee shaqeeya ee dalka, waxay u muuqataa aanu hindisahaasi ahayn mid ka yimi Shirkadda Itoobiyaan Airline, balse uu yahay mid ay daba-riixayaan kooxo ku midoobay maslaxado gaar ahaaneed.
Dhanka kale kale, ma jiro wax war ah oo arrintan la xidhiidha oo ka soo baxay Shirkadda Itoobiyaan Airlines, sidoo kale jawaabo umaanu weydiimo mawduucan ku saabsan oo aanu Shirkadda marinay fariin-gudubiyeyaasha Internetka, (Emails).
Macluumaadka daaha-ka-fayday xullafada Wasiirka Madaxtooyada iyo ashkhaasta kale ku wada jiraan, ayaa marka dib loo milicsado iftiiminaya aragtiyo aad u jaban oo meel-ka-dhac ku ah milgaha iyo Maamuuska dawladnimo ee dalka jira, taasoo uu Ninka sheegtay inuu heshiiskan iib-geeyay dhaawac weyn ugu gaysanayo Hantida iyo lahaanshiyaha Akhtiyaariga ah ee dalka, isla markaana cid shisheeye ah ugu gacan gelinayo adeegyo aad u xaasaasi ah oo ay dawladdaha caalamku aad uga taxadiraan maamulkooda.
Sida lagu faahfaahiyay Shabakada Qarannews, heshiiskan mad-madowgu ku jiro oo ay wada qoran yihiin Magacyadani Cumar Siciid iyo Abraham Amiga, oo Luqada Ingiriisiga ku qornaa balse Af-soomaali loo turjumay ayaa lagu yidhi sidan:
“Mudane Cumar Siciid oo ah Maareeyaha Shirkada Safeway Travel ayaa magaalada Addis Abeba kula Kulmay 24kii Bishii April 2014 Mudane Hailemelkoute Memo oo ah Maareeyaha Shirkada Dayuuradaha ee Itoobiya u qaabilsan
mandaqada. Sidoo kale wuxuu Mudane Cumar Siciid 28kii bishii April 2014 la kulmay Mudane Abraham Amiga oo ah Maareeyaha Shirkada u qaabilsan Somaliland.
Sababaha kulamadan uu Mudane Cumar Siciid la qaatay wakiilada Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ayaa looga gol lahaa sidii looga wada hadli lahaa in Shirkada Safeway Travel ay mustaqbalka uga hawl-geli lahayd dhanka rarida iyo rogida alaabada ee Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal. Waxaana la iskula meel dhigay in la abuuro Shirkad ay wada leeyihiin Mudane Cumar iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya oo ka hirgelin doonta adeegyadaasi Garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.
Qodobada heshiiskan ee darafyadani gaadheen ayaa u dhignaa sidan;
Mudane Cumar Siciid ayaa u soo xasilin doona Liisanka ay Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ku fulin lahayd rarista iyo dejinta alaabada.
Marka uu Mudane Cumar Siciid soo helo Liisanka isaga iyo Shirkadu waxay isla diyaarin doonaan imkaaniyaadkii sahlayay adeegan cusub ee rarista iyo dejinta.
Marka ay Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya abuuraan shirkadan ka dhaxaysa waxay adeegan u qaban doonaan Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ka dibna waxay uga sii gudbi doonaan inay adeegan u fidiyaan Dayuuradaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Magaca iyo nooca Shirkada waxaa isla meel dhigi doona Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya. Magaca ay qaadan doonto Shirkada cusub ayaa noqon doona mid dhex-dhexaad ah oo ka baxsan labada Magac ee Shirkada Safeway Travel iyo Ethiopian Airlines.
Mudane Cumar Siciid wuxuu cadeeyay in isla markaasba uu Shirkadan ogolaan doono Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxa sidoo kale isna ogolaan doona Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
Mudane Cumar Siciid wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadan cusub taasoo muujinaysa buu yidhi mar labaad xidhiidhka adag ee guusha ah ee ka dhexeeya Shirkada Dayuuradaha Itoobiya iyo Shirkada Safeway Travel”.
Hadaba marka la dhuuxo dhumuc yaraanta iyo dheeli-tir la’aanta macluumaadkan qorshaha kooxdani damacsan yihiin inay ku hantiyayaan maamulka adeegyada Madaarrada dalka ama ay doonayaan inay gacan shisheeye, isla markaana aan hirgelinta arrinkan loo marin nidaamkii Sharciga ahaa ee dalka, waxa habboon inay fiiro gaar ah u yeeshaan hay’adaha Qaranka ugu xil saaran wax-ka-qabashada arimaha noocan oo kale ah, isla markaana ay il-dheer ku eegaan halista mustaqbalka ka iman karta hadii lagu guulaysto isku daygan lagu dhaxal-wareejinayo Qaranka, laguna duudsiyayo xuquuqdii Muwaadinka iyo kuwa kale ka taagan Madaarada dalka, si aanay ula mid noqon hal-ku-dhigii ahaa; “bidaar sibiq bay kugu gashaa”.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com