Robert O'Neill oo 38 jir ah, horayna ooga tirsanaa ciidammada gaarka ah badda ee waddanka Maraykanka ayaa waraysi uu siiyay wargayska the Washington Post ku sheegay in uu isagu gacantiisa ku dilay Osama.
Arrintaasina waxa ay ka hor imaanaysaa sheegasho kale oo ku qornayd buug uu qoray 2012 askari kale oo isla cusutubkaasi weerarka qaaday ah oo lagu magacaabo Matt Bissonnette.
Hoggaamiyaha al-Qaacida waxaa lagu dilay 2011 weerar ay ku qaadeen ciidammada gaarka ah badda gurigiisa oo kuyaalay magaalada Abbotabad, ee dalka Pakistan.
Ciidammada baddu waxa ay inta badan ilaaliyaan sharci ka mamnuucaya in ay bulshada dhexdeeda ka sheegtaan hawlgalada ay shaqsiyan u fuliyaan.
O'Neill waxa uu shaqada ka fadhiistay 2012, waxa uuse sheekadiisa horay ugu sheegay isaga oo magaciisa qarinaya wargayska Esquire magazine.
Waxaa lagu waday in uu bishan qaybaheeda dambe bixiyo si loo muujiyo qofka uu yahay, laakiin waraysigan uu bixiyay ayay ka xanaaqeen qaar kale oo kamid ahaan jiray ciidammadaasi gaarka ah ee badda.
Waxaana magaca ninkaasi shaaciyay website ay leeyihiin ciidammadii hore ee badda ee Maraykanka, waxayna arrintaas kaga mudaaharadayaan go’aanka uu ku gaaray in uu shaqsiyan ugu sheegto guushaasi.
Mustafe Axmed,Herer
Gobanimonews.office
Hargaysa/somaliland