[caption id="attachment_100774" align="alignleft" width="300"] Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay[/caption]
Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, xadhig todoba maalmood oo xadhiga ah ku xukuntay Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani Xasan Axmed Goodaad khamiistii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu eedeymo kulul u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo xukuumadda.
Xoghaye Goodaad ayaa eedeymaha uu u jeediyay dhinacyada siyaasadda ku dhaliilay inay isu kaashanayan muddo kordhin doorasho, taasoo uu ladhay ereyo uu digniin ugu jeedinayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan.
Siyaasi Axmed Xasan Goodaad ayaa Maxkamadda la keenay arroornimadii hore ee saaka, halkaasoo lagu soo kalihiyay si aanay karaabkiisa siyaasadda iyo eheladiisu aanay uga soo qayb-gelin fadhiga Maxkamadda, waxaana laga soo qaaday xarunta C.I.D-da oo uu muddo laba maalmood ah ku xidhnaa.
Ma jirto wax tafaasiil ah oo laga helay Hay’addaha garsoorka iyo kuwa ammaanka oo ku saabsan eedaha Maxkamadda la horkeenay ee lagu haysto Siyaasigan, balse sida ay Gobanimonews ku heshay warar ka soo baxay Maxkamadda, waxa kiis lagaga dhigay Dhaliilaha Siyaasaddeed ee uu digniinta ku ladhay.
Xubno ka mid ah Asxaabta mucaaridka, siiba Xisbiga uu ka tirsanaa ee Waddani iyo eheladiisa, ayaa layska hortaagay inay ka qayb-galaan dhegeysiga Dacwada Sarkaalka, taasoo ka hor-imanaysa xuquuqda Maxbuuska la maxkamadeynayo oo xaq u leh inuu helo Qareeno difaaca iyo goob-joogeyaal dacwaddeed.
Hase ahaatee wakhti yar markii ay socotay dacwadiisu ayaa lagu xukumay todoba cisho oo ganaax, taasoo u muuqata in mudadaasi ay Xeer-ilaalintu ku soo dhamaystirayso Dacwada lagu eedeynayo, intaana xabsi ku haynta lagu xalaashanayo xukunka Rumaanka ah.
Asxaabta mucaaridka ah ayaa dhamaantood si kulul u cambaareeyay xadhiga Siyaasigan, waxaanay ku tilmaameen mid lagu cabudhinayo xoriyatul-qowlka iyo madaxbanaanida Fikir dhiibashada, isla markaana lagu curyaaminayo ku dhaca Mucaaridka aadka u dhaliila xukuumadda iyo xulafadeeda.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com