Wednesday, November 19, 2014

Khilaafka Madaxda Soomaaliya oo hadheeyay Shirka Copenhagen

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la hor-dhigay Walaaca Beesha Caalamku ka qabto Khilaafka u dhexeeya RW iyo dooddaha shirka..

XSAN SHEIKHCopenhegan(GNA)-Shirka soomaalida ee Copenhagen ayaa furmay Maanta, waxaana ka qayb-galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergo ka badan boqol iyo soddon xubnood ka kala socda daneeyayaasha Soomaaliya ee Beesha Caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Denmark, oo ka qayb-gelay Shirka, ayaa madaxweyne Xasan Sheikh hor-dhigay dareenka walaaca xambaarsan ee Bulshada Caalamku ka qabto Khilaafka u dhexeeya Reysal-wasaaraha, waxaanu u soo jeediyay in deg deg loo xaliyo ismari-waaga u dhexeeya madaxda ugu saraysa Hay'adda dawlada ee xagga sarre.

Wasiirka ayaa si toos ah u caddeeyay inay aad uga walaacsanyihiin saameynta arrintani ku yeelanayso geedi socodka Siyaasadda iyo nabad-gelyada ee dalka, isla markaana dib u dhac ugu tahay higsiga qorshaha u degsan 2016 ee bulshada caalamku taageerayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Shirka Khudbad ka jeediyay, ayaa ka waramay xaalada dalka ee dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, dhismaha maamullada, la wareegista deegaamada cusub ee Alshabaab laga qabsado iyo halka uu marayo Hindisaha ku degsan Barmaamujka New Deal Compact.

Waxa uu sheegay in horumar wanaagsan laga gaadhay dhamaan arrimaha uu ka hadlay, ha-yeeshee wali howl badani u taalo dawladda si loo gaadho dawladnimo dhamaystiran oo soomaaliya leedahay.

Shirkan oo inta uu socdo Diirada lagu saari doono halka uu marayo qorshaha New deal-ka ama Heshiiska wada shaqayneed ee lagu saxeexay sanadkii hore dalka Bilguim-ka, kaasoo ah qaabka ay u wada shaqaynayaan Dawladda iyo deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee taageera dalka, ayaa waxa si weyn isha ugu haya inta badan Shacbiga soomaalida intooda indheer garadka ah.

Waxaase shirka hadheeyay Walaaca  ku salaysan Khilaafka Madaxda u dhaxeeya, kaasoo ay dadka badankoodu qabaan inuu dhaawacayo horumarrada laga gaadhay qaybo badan. Dad badan oo shirkan Isha ku haya ayaa ka dayrinaya xaalada dalka ka jirta ee ku wajagan wakhtiga gaabaabsiga ah.

Diblomaasiyiiin ka qayb-galay Shirka ayaa  dareen ahaan ka duwan Mujtamca Soomaalida, kuwaasoo Yihdidiilo ka muujinaya xaalada dalka.