Cirro ayaa sheegay in Askartaas lagu Inqilaabayo sharciyada Golaha, isla markaana loogu talo galay in lagu cabudhiyo Rayul-caamka iyo xoriyada Mudaneyaasha.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in aaga Xaafada Shacabka oo dhan lagu soo daadiyay Ciidan loogu talo-galay inay shacabka is-hortaagaan.
Hadalkan ayuu jeediyay goor dhaweyd iyadoo ay wali cirka ku laalantay xiisada laga cabsida qabo ee Golaha Wakiillada Khilaafkoodii madaxa la galay.