Dhismahan oo aan wax dib u dhis iyo dayactir ah lagu samayn muddo dheer, dayac badanina ka muuqdo, ayuu balanqaaday Guddoomiyaha waddani inuu dhisi doono hadii uu talada dalka qabto. Waxaanu ku tilmaamay bogcad Taariikhi ah oo sumad iyo sawrac u ah qarannimada Somaliland iyo xoriyada.
Si toos ah carrabka ugumuu dhufan inuu uga cabsi qabo inuu maro maagga dabar-goynta Dhulka iyo Dhismayaasha dawladda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilowday, balse wuxuu ka digay in la dhalan rogo, ama cidi sheegato, isagoo xusay inuu aad uga xunyahay sida loo dayacay daartan astaanta u ah jiritaanka Somaliland.
“Halkani waa goobtii beelaha Somaliland oo midaysani ku goosteen Gooni-isutaagga Somaliland May-1991, Xisbiga wuxuu dedaali-doonaa inuu soo celiyo dhamaan beelaha wax-tabanaya oo aynu helno Somaliland oo mid ah In-sha-Allaah, Halkani waxay u qalantaa in laga sameeyo "Museum", taarikhda lagu keydiyo, faca dambena ku barto.”ayuu yidhi Cirro.
Muj. Sahra-halgan oo ah haweenay kaalin mug leh ka soo qaadatay dib u xorayntii Dalka, kana tirsanayd Dhaqdhaqaaqii SNM ee xididdada u siibay Dawladdii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa sheegtay in Dhismaha madaxbanaanida looga dhawaaqay u baahanyahay daryeel iyo Ilaalin dheeraad ah, loogana baahanyahay dawlad kasta oo dalka timaada inay xil iska saarto hagaajintiisa iyo ilaalintiisa.
Dhismahan oo ku yaalla Xaafadda Shacabka ee Magaalada Burco, ayaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee lagaga dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana lagu dhisay Dawladdii uu hogaaminayay Madaxweynihii u horeeyey labada sannadood talinayay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).
Shirka lagu qabtay Daartan, ayaa waxa uu aasaas u ahaa wareejintii talada ee Ururkii SNM.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com