(GNA)Daraasad cusub oo la sameeyey waxa ay muujineysaa in dawooyinka ay isticmaalaan dumarka Soomaalida si ay isugu caddeeyaan in ay ku jirto sun halis badan u keenta noloshooda iyo nolosha ilmaha uurka ku jira.
Daraasadda waxaa samaysay Amiira Cadaawe oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Maraykanka, kana tirsan jaamacad dalkaasi ku taala.
Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah in waxyaabaha la’is mariyo ay ku jirto sunta mabnuuca ah ee lagu magacaabo “Mercury”, taasi oo wax yeesha dareemayaasha, kaadi-heysyada, islamarkaasina xitaa halis gaarsiisa ilmaha uurka ku jira iyo kuwa naaska nuugaya.
Ka sokoow halista ay u geysato jirka oo ay dubka ka ridaan, waxaa jirta halis intaasi kasoo balaaran sida xanuuno la xiriira dhanka wadnaha iyo waxay sidoo kale saameyn xun ku yeeshaan minka iyo ilmo dhalista.
Gobolka Minnesota waa mabnuuc dawooyinka qaarkood, gaar ahaan kuwa ay ku jirto maadada Mercury, laakiin sidaasi oo ay tahay si qarsoodi ayaa lagu soo galiyaa, aadna waa loo isticmaalaa.
Cilmi Baarista waxaa lagu waraystey dumar Soomaaliyeed, waxayna aaminsanyihiin marka gabadha uu jirkeeda cadyahay ay durba heleyso nin guursada, bulshada dhexdeedana ay qadarin ka heleyso.
Maalinkii labbo jeer ayay is mariyaan dawooyinkani, balse ma ahan wax ay dumarka marnaba qirtaan isticmaalka dawada inkasta oo ay sahlantahay in la kala garto midabka dabiiciga ah iyo midabka dawooyinka lagu keeno.
Ma ahan oo kaliya dumarka ku nool Maraykanka kuwa isticmaala, ee sidoo kale waa wax Soomaalida meel kasta oo ay joogtaba ka simantahay isticmaalka dawooyinka, waxaana lagu baaqayaa in wacyigalin badan laga sameeyo arrintani halista badan.