Wednesday, November 19, 2014

Caweysinka Haadka Duulay Cadaawuu Ogaaday!!

Jamaal CabdilaahiSida aynu wada ogsoonahay dadwaynaha reer soomaliland rag iyo  dumarba waxay meel uga soo wada jeedaan waa ilaalinta qaranimadooda iyo inay gacan bir ah ku qabtaan cidkasta oo duulaan ku ah nabad ga lyada



ay soomaaliland ku naaloonayso waxaa kale oo ay diyaar u yihiin inay cod midaysan diidnay ku dhahaan cidkasta oo shaadh qabiil huwan isla markaana doonaysa inay dhaawacaan nabada ay shacabka reer soomaaliland eeganahayaan ee ay raaciga ka yihiin meel adagna kaga qoran.



Waxaa kale oo shacabka reer soomaliland gudo iyo dibadaba ay aad uga ilbexeen daasadah a aan shaqadha wayn lahayn ee ay garaacaan dadka xumaanta iyo kala qaybinta ka sheqeeya iyo waliba cid kasta oo gidaar dabadii kaga adimaaya ibriiq aan cod dheer lahayn oo aan meel gaadhahayn kuwaasi oo lakulma waji gabax iyo fashilaad aanay ka soo waaqsan karahayn.



Iyadoo ay sidaa tahay ayaa iyaguna waxaa hadh iyo habeenba heegan ah ciidamada amaanka suga oo gaaf wareegahaya dhamaan suuqyada iyo xaafadaha ay kakoobanyihiin magaalooyinka soomaaliland, waxaa iyaguna cadawga dibada miyiyada iyo kaymaha ku baacsanahaya ciidamaa qalabka sida oo runtii ah kuwa aan soo labaan qaranka iyo umadooda labadaba ay ku faanaan.



Hadab marka aynu eegno diyaar garawga iyo bisaylka wadaniyadeed ee ay qabaan ma suurtoobi kartaa in beenaale umada dhiigooda quutaa ku duulo? jawaabtu waa maya mana dhici karto in ay dadka jaha wareeriyaan sidaa awgeed waxaan manta rabaa inaan maqaalkaygan gaaban ku xasuusiyo dadka quuta kicinta dadka oo an cod dheer ku idhaaho meel dalka iyo dadka reer soomaaliland idiinka banaani majirtee ha ku lug gu,ina suuqa gala oo dadkiina dhinac ka raaca.



Waxaan leeyahay cawaysinka haadka duulay cadaawuu ogaaday oo aan ka wado dadka reer soomaaliland waxay ogaadeen cadaw gooda ku dhex nool isla markaana haybta la wadaaga waanay ka diyaar garoobeen.



W/Q: JAMAAL CABDILAHI MUXUMED ( ABU CIZA)



= A

        EMAIL:jamaalsuxufi@hotmail.com