Saturday, November 8, 2014

Burkina Faso oo diidday amarka Midawga Afrika(AU)

Hargaysa(GNA)Hogaamiyaha ku meel gaadhka ah ee Burkina Faso, Col Isaac Zida ayaa diiday oo meesha ka saaray laba isbuuc oo kama dambeysa ah oo ay midowga Afrika u qabteen inuu xilka ugu wareejiyo bulshada rayidka ah.
"Kama cabsaneyno cunna qabateyn, waxaan inbadan ka shaqeyneynaa xasilloonida," ayuu yiri Col Isaac Zida, hadalkaas ayuuna sheegay mar uu la hadlayay axsaabta siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah.
Balse waxa ay ciidamada dalkaasi aqbaleen in sanadka soo socda la qabto doorashooyiinka dalkaasi, tani iyo xilligaasna waxay sheegeen inay dalka hogaaminayaan.
Militeriga ayaa awoodda dalkaasi la wareegay kaddib markii madaxweyne Blaise Compaore lagu qasbay inuu is casilo isbuucii hore, oo dad badan ay ku bannaan bexeen maaamulkiisa xaalada dalkaasi ayaa baryahanba ah mid kacsan oo liic liicaysa.
Mustafe Axmed Herer.
Gobanimonews.com/office.
Hargaysa/somaliland.