Boko Haram, ayaa dhinaca kale beenisay in ay wax heshiis xabad joojin ah la gashay dowladda Nigeria, kaddib markii ay xukuumaddu todobaadyo ka hor ku dhawaaqday heshiis xabad-joojineed oo dhex maray kooxda.
Afhayeen u hadlay Kooxda oo ka soo muuqday Muuqaal cusub oo kooxdu soo saartay, ayaa gaashaanka ku dhuftay Sheegashada dawladda ee Heshiiska.
Afhayeenka oo ka hadlayay Video-ga cusub ee Ururku soo saaray ayaa intaasi ku daray in Hablaha la afduubay ay qaateen Diinta islaamka.
Kooxda ayaa boqolaal Gabdhood oo iskuulay u badan ka afduubtay dalka Nigeria tan iyo sanadkii 2009-kii.
Sidoo kale waxay weerraro ka fuliyeen gobollo kala duwan oo ka mid ah Dalkaas.