Intaa markay idhahaygu qabteen waxa bilaabantay in ciidanku ay dhankaayaga u soo taf xaytaan aniga iyo shan(5)wariye oo wakhtigaa ku hawlanaa qaadashada muuqaalka goobta,lana qabay oo Xaajiyadahii lanagu Rid walaw aanay Ciidamadu nagula kacin dhaqankii lagu yaqaaney ee ahaa inay garaacaan oo ay jidh dil u gaystaan markay qabtaan wariyeyaasha sida dhacda inta badan,waxa lana geeyay xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa anagoo lix(6)Suxufi ah,markii lana gayay Saldhiga ee lanaga buuxiyay riboodhkii Oobiiga ee lanagu xareeray halkii la noogu talagalay ee qolalka Xabsiga.
Maxaa dhacay?,waxa dhacay markii aan sidaa u galay meesha in indhahaygu qacdiiba ay ku dhaceen Wiil Yar oon markaan qiyaasay aan dadiisa ugu badnaan ku qiyaasay 10 ilaa 11 Sanno,oo fadhiya halkii aanu ka galnay qolkii lanagu xareeyay oo ku mashquulsan Garaabo iyo Sigaar uu la nuugaayo koox kale oo iyagu qaan gaadha,waxaan waydiiyay waxa loo soo xidhay wuxuuna iigu jawaabay hooyaday ayaa isoo xidhay oo waxbaan ka xaday,mar kale ayaan waydiiyay imisaad xidhantahay ood halkan ku jirtaa? Wuxuu igu jawaabay maantaa ii tobana(10),cisho,waxaan su,aalay maxaad ku falaysaa qaadka misaadse cunaysa?wuxu iigu jawaabay halkanbaan ku bilaabay oo wakhtigaan iyo luladaan isku dhaafinayaa,isla markiiba waxaan waydiiyay wakhtiga uu cabaayay Sigaarka,waxaanu igu yidhi xalay markaan luloodaybaan xabad isku dayay oo uu I siiyay saaxiibkaygan I ag fadhiyaa oo isagu oday wayna hadana waa kii Affaraad(4),macnaha ilaa xalay oo iigu horaysay waxaan cabay Affar xabo oo sigaara(4).
Ninkii odayga ahaa ee uu yarku iisheegay inuu Sigaarka iyo jaadkaba Siiyay ayaan waxan isku dayay inaan waydiiyo waxa uu wiilkan ugu dhiiri galiyay isticmaalka Balwada, wuxuuna iigu jawaabay hadii xabsiga la soo galo casharka laga bartaa waa balwada saaxiibe adba hadaad laba habeen nala joogtid waad barandoontaa waana kugu khasab,markaa yarku ha kaa mirqaamee iska daa ayuu hadalkii iigu soo xidhay odaygii da,da ahaa,kkkk Cajiib waan yaabay oo waxa qalbigayga ku soo dhacday fikrad ah waa maxay casharka laga barto xabsiyada Somaliland?ma waxa runa hadalka xaajiga?mise xabsiyada dalkaa caynkana?mise talaw idinkaa soo galay qolkii sakhraamiinta loogu talo galay?.............la soco
Qore:Wariye Mustafe Axmed(Herer)
suxufi ka tirsan shabakada Gobanimonews.com
email:Herersax@gmail.com
Tell:0634061560