Monday, June 23, 2014

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Ilko-jiir oo Somaliland u soo wareegay


Laba ka mid ah Golihii Wasiirrada xukuumaddii Faroole oo Puntland ka soo googoostay iyo Heshiis dhex maray Somaliland..warbixin  




ilkoHargeysa(GNA)-Inkasta oo aanu go’aan rasmi ah qaadan, kaddib wada hadal dhex maray Somaliland todobaad ka hor Cabdilaahi  Axmed Jaamac Ilko-jiir oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, xukuumadii Faroole ee Puntland dhawaan maamulkeeda laga wareejiyay, hadana waxa la sheegay inuu qorshe cad ku soo bandhigay inay Somaliland u fuliso Mansab uu dalbaday oo Mustaqbal ah.




Wasiirro Somaliland ka socda oo dhawaan Djibouti Booqasho ku tegay ayaa kula kulmay Magaalada Jibouti Wasiir hore Ilko-jiir iyo ku-xigeenkii  hore ee Amniga Puntland Cabdi Jamaal, kuwaasoo ay ka wada hadleen qorshe ay Somaliland ugu soo wareegayaan.




Wasiirrada Somaliland ayaa siyaasi Ilko-jiir u bandhigay in loo magacaabi doono Wasiirka Gaashaan-dhiga xukuumadda Siilaanyo, halka aan siyaasiga kale ee la socda isaga waxba loo carab-baabin.




Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir ayaa la sheegay inuu ka gows adaygay qaadashada Kursiga Gaashaan-dhiga oo uu hada ku fadhiyo Siyaasiga xukuumadda ugu da’da weyn Axmed Xaaji Cali Caddami, waxaase wararka Gobanimonews ka heshay waxyaabaha ay labada dhinac kala dalbeen, intaasi ku darayaan in Ilko-jiir  uu waydiistay in xukuumadda Siilaanyo Madaxweyne ku-xigeen la siiyo.




Wasiirrada Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay inay Ilko-jiir ku qanciyeen inaanu xiligan Kursiga Madaxweyne ku-xigeenku banaanayn, balse hadii ay suurto gal noqoto ay wakhtiga doorashooyin soo dhawaadaan arrintaasi taageero lagu siin karo.




Xubno u dhuun daloolay wada hadalka labadan dhinac ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay weftiga Somaliland iyo siyaasiyiinta reer Bari Sanaag ay hargeysa isu soo raaceen, balse uu Cabdilaahi Ilko jiir Transit ku dhaafay.




Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Puntland Cabdi Jamal ayaa la sheegay inuu isagu kaga hadhay Magaalada Hargeysa, inkasta oo aan la ogayn meesha uu degenyahay qaabka ay xukuumaddu u qaabishay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in siyaasi cabdi Jamal Hargeysa ku sugnaa tan iyo markii Wasiirradu ka soo laabteen safarka  Djibouti.




Dhinaca kale Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Cabdilaahi Axmed Jaamac, ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo fool leeyahay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaasoo si weyn loogu diyaar-garoobayo soo dhaweyntiisa.




Siyaasi reer Sanaag ah oo Magaciisa qariyay, kuna sugan Magaalada hargeysa, ayaa laga soo xigtay in maanta ilaa shalay la diyaarinayay Waraaqo sawirkiisa lagu dhejiyay oo lagu soo dhaweynayo.




Sidoo kale xubin kale oo ka mid ah siyaasiyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan ee ku sugan Puntland ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Cabdilaahi Ilko-jiir iyo xubno kale oo uu horkacayaa ku soo jeeddaan Somaliland.




Ma kala cadda ilaa hada wakhti uu Hargeysa imanaya iyo meeqaamka ay Somaliland ku soo dhaweyn doonto, hase ahaatee hadal haynta imaanshiyihiisa ayaa ku soo aadaysa xili Somaliland iyo Maamulkii uu hore uga tirsanaa ee Puntland si weyn ugu loolamayaan Maamulka Gobollada laysku yidhaahdo SSC oo bariga sanaag ku jirto.




Tani hadii ay timaado waxay dhabar jab ku noqonayaa Maamulka Cabdiwali Maxamed Gaas oo hore loogu eeddeeyay inuu hanan kari waayay Taageerada Bulshooyinka ku dhaqan Deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn.




Cabdilaahi Ilko-jiir




Cabdilaahi Jaamac Ilko-jiir ayaa hore xilal uga soo qabtay Somaliland, isagoo mar ahaan jiray  Taliyaha Ciidanka Somaliland.




Waa khabiir dhanka Milteriga ah, waxaanu derejada ciidannimo ee Milateriga ka gaadhay ilaa heer sareeye Gaas xiligii dawladii dhexe ee Soomaaliya jirtay.




Saameyntiisa Gobol




Waa siyaasi Miisaan ku leh Gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaamada uu u dhashay.




Waxa uu Doorashadii Puntland ka dhacday sanadkii 2009-kii isu sharaxay Madaxweyne isagoo kula tartamay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole.




Kaddib markii doorashadaasi  lagaga adkaaday waxa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland oo uu la dhamaystay Faroole muddo xileedkii xukuumadda.




Siyaasiyiin hore




Ma noqon doono hadii uu Somaliland yimaado siyaasigii ugu horeeyay ee Gobolka Dhahar ka soo jeeda ee Somaliland hab siyaasaddeed ugu soo wareega, waxaana jiray xubno hore oo qadiyada arrimaha gobolka la xidhiidha xaga ugu soo wareegay.




Hase ahaatee waxa lagu tilmaami karaa inuu yahay Masuulkii ugu miisaanka cuslaa ee xaga Somaliland u soo janjeedhsama tan sanaddo badan kaddib, isagoo haatana ku soo laaban doona uun xayndaab uu hore uga tirsanaan jiray oo Somaliland la yidhaahdo.




Gobanimonews




Ceerigaabi Office




Email: editor@gobanimonews.com