Wasiiro xukuumadda ah oo Burco ugu hakaday xiisad xalkeedu noqday xadhiga Odeyaasha...
Burco(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga taxaabtay ilaa 6 Oday oo cuqaal iyo waxgarad isugu jira oo ka soo jeedda dhinac ka mid ah Ardaayo dil ku dhex maray Duleedka Degmada burco, todobaad ka hor.
Odayaashan ayaa loo xidhay Dil uu geystay Nin ka soo jeedda Ardaagoodu lix maalmood ka hor, kaddib markii ay muddada ka soo wareegtay xiliga falku dhacay ay ku keeni waayeen gacan ku dhiiglihii oo wakhti loo qabtay inay ku soo wareejiyaan.
Waxgaradka iyo Odayaasha la xidhay ayaa ka soo jeedda Deegaamada Barriga Burco, waxaana xadhigoodu yimi maanta markii Wasiirro xukuumadda ka socda oo Burco ku soo laabtay ay kulamo la qaateen labada dhinac ee qoontu dhex martay .
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo, nimankan ayaa xadhigooda waxa amar ku bixiyay Wasiirada Xukuumadda oo laamaha ammaanka ee Gobolka ku amray inay Odayaasha Gacan ku dhiiglaha maqan xabsiga dhigaan ilaa inta gacanta lagu soo dhigayo dil geystaha.
Dhinaca kale, Wasiirrada xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada, kuwaasoo ka soo laabtay degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle oo ay Mashaariic horumarineed ka soo dhagax dhigeen, ayaa gelinkii dambe ee maanta uga soo ambo baxay Magaalada Burco dhinaca Caasimada.
Xadhiga Odayaasha Maanta xabsiga lagu guray ayaa si gaar ah loogu eeddeynayaa Wasiirka Madaxtooyada xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay labada ardaa ee dilku kala gaadhay, dhinaca wax geystay ay hayb dhexe wadaagaan.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com