Tuesday, March 25, 2014

Xoogaga Shabaab oo weerar ka geystay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya


Kismanyo(GNA)-Xoogaga Shabaab, ayaa barqanimadii maanta waxay weerar ka geysteen Deegaanka Koromey, ee duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.




Kenya_Afmadow




 




Xoogaga Shabaab, ayaa waxay weerarka la eegteen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya, xilli ay marayeen Deegaanka Koramey, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal xoogan.




Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa si gaadmo leh la sheegay in ay u weerareen gaadiidkaasi, laakiin ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidanka Dowladda Kenya.




Sarkaal u hadlay Booliska Mandhera, ayaa sheegay in Shabaabku ay isu soo ekeysiiyeen xoolo dhaqato, isla-markaana ay si lama filaan ahayd u weerareen kolonyadii Ciidanka Kenya.




Sarkaalkaan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa waxa uu Wargeysyada Kenya qaarkood u sheegay, in Ciidamada Kenya ay si xoogan u caabiyeen dagaal-yahanadii Shabaabka, ee wadada u galay.




Mar la weydiiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayaa wuxuu ku sheegay in ay ogyihiin dhaawaca askari ka tirsan Ciidamada Kenya, laakiin ma garan karo ayuu yidhi khasaaraha gaaray Al Shabaab.




Ururka Al Shabaab, wax war ah kama aysan soo saarin weerarka dhaba gal ah ee ay ku sameeyeen gaadiidka Ciidamada Kenya, iyadoo ay adag tahay in la helo ilo madax banaan, si loo turxaan bixiyo inta uu le’eg yahay khasaaraha