Tuesday, March 25, 2014

Xogo Daaha Ka Fayday in Wasiirka maaliyadu lunsaday Lacag Dhan 30.456.000.00o!


Xogo Daaha Ka Fayday in Wasiirka maaliyadu lunsaday Lacag Dhan 30.456.000.000 Oo Laga reebay Miisaaniyadii 2013 iyo 2014..!by: Hodan Cabdiraxmaan..




Intii loo Magcaabay wasaarada maaliyada masuulka hada Xilkaasi Haya Cabdicasiis Maxamed Samaale kaasi oo kala wareegay xilkaasi Maxamed Xaashi Ayaa Waxaa ay wasaarada maaliyadu isku Bedeshay  Madal loogu Kala Baratamo Xadista Iyo Xatooyada Dakhliga Cashuuraha ee Wasaaradaasi U Xil Saaran Tahay Taasi oo Wasiirkan ooh ore dadku ugu yaqaaneen Nin Sheekh Ah Waxaa u Bedelay inuu Isagu yidhaahdo Cadaystona Inaanu Weligiis Wadaad Noqon Iyadoo La Ogyahay Masaajidka uu Joogay Waxaana Shacabku u Bixiyeen hadana Loo Yaqaan (JANNO KA BOOD).




 




Wargayska Xoqogaal oo Caan ku ah raacdada iyo Baadigoobka Goobaha Looga Shakiyo In Laga Amaamudayo Shirqool umada Lagu Hujuumayo isla markaana Hantida dalka iyo dowladaba lagu lunasanayo iyo Xafiisyada ay sida Wanaagsan Shaqadu Uga socoto ayna taasi dheer tahay Soo Bandhigista Saraakiisha dawlada ee Daacada ah iyo Kuwa Daalimiinta Ah Ayaa aynu manta kusoo qaadan doonaa Sh Mukhtaar waana Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Noqday Masuul Naftiisa Sun iyo Waabeeyo u Qarinaya oo aan dareensanayn xilkana u yaqaana Cidi kuma Arkaysee Afka Buuxso,Cidi Kuma Ogee Aqalo Jeexo.




 




Maanta waxaa aynu ka hadli doonaa Qorshayaasha uu u kala habeeyo Lacagta miisaaniyada qaranka oo aan cidina la Ogayn balse aanu Anaga oo Madaxbanaan U kuurgalnay soo baahin doono manta Qaybteedii koobaad.




 




Xeerka Miisaaniyada ee lambarkeedu yahay 44/2010 Qodobkiisa sideedaad xarafkiisa(D) waxaa uu dhigayaa hadhaa kasta oo kazoo hadha dakhli miisaaniyadeedka sanadkii tagay waxaa lagu Darayaa Odoroska Miisaaniyada ee Sanadka Xiga.




 




Hadaba Iyadoo uu soo baxay sanadkii tagay ee 2012 dakhli dheeraad ah oo dhamaa 30.460.000.000 kaasi oo aan lagu darin  sanadkii 2013 Taasoo Baal Marsan Sida uu Dhigayo Xeerka Miisaaniyada ee aynu Kor ku soo Xusnay Hase Yeeshee Markii Uu Samaynayay Miisaaniyada 2014  Ee Sep/2014 Ayaa Buuga Miisaaniyada Waxa Ka Dhex Muuqda  Hadhaagii 2012 Oo Uu Leeyahay Way Noo Suuroobi Wayday Inaan Ku Darno 2013 Manuu Sababayn Taasina Waxay Iftiiminaysa Madmadawga , Musuqa Iyo Maamul Xumada Samaale Maadaama Isagoo Masuul Ah Uu Baal Marayo Xeerarka Maamulka Xisaabaadka




 




Sida ku cad buug Miisaaniyadeedka Bogiisa Sadexaad eek u lifaaqan Miisaaniyada  kaasi oo ah lifaaq uu u diray wasiirka Maaliyada Sh Mukhtaar Shirgudoonka wakiilada Somaliland Si Ay u Ansixiyaan Miisaaniyadaasi Macmalka ah ee Masuulkaasi Lasoo Gole Joogsaday Waxaa uu Ku yidhi qoraalka Lifaaqaasi Isla markaana uu Ku Tiraabay Sidatan “Anaga oo ka Cudur Daaranayna Nooma aysan Suura gelin Inaan dakhli Miisaaniyadeedkan hadhaaga ah ee dhamaa 30.460.000.000 Inaan ku darno Miisaaniyada Sanadkan 2013 “ Ayuu Yidhi Sh Mukhtaar.




 




Arintan uu ku talaabsaday Jano Ka bood  (Samaale) ee uu dakhligaasi uga reebay inuu ku daro Miisaaniyada sanadkii 2013 ayaa muujinaysa Xogaha Cadcad ee hanti   lunsasho ee ka aloosan degelka wasaarada Maaliyada u qaabilsan qaranka oo ka digo rogatay Sidii Loo sameeyey ee loogu talo galay inay u shaqayso,tan iyo intii uu wasaarada xafiiskeeda Madaxa lasoo Galay  (Samaale) Taasi oo sidoo kale Caqliga Fayowi aanu aqbali karayn haba yaraatee cudur daarka uu Sheekadiisa Sababta uga dhigayo




 




Dhanka kale iyana waxaa jira Dakhligii Miisaaniyada ee soo baxay sanadkani 2013 kaasi oo dhamaa 54.000.000.000 waxaana laga wada warqabaa inaanay haba yaraatee meelna ka muuqan Hase Yeeshe Raacdada Wargaysku Wuxuu Qabaa In Sidii Hadhaagii 2012 Loo Majaro Habaabiyay Ee Loogu Dari Waayay Sanadkii 2013 Oo Dhan Ayaa Iyana Hadhaaga 2013 Oo Dhan 54,000,000,000 Aan Meelnaba Lagu Xusin Oo Uu Ugu Talo Galay in Sidii Tii hore Oo kale In Uu Uga Faaiidaysto Danihiisa Gaarka Ah Taasina  Ay Baalmarsan Tahay Xeerka Maamulka Xisaabaadka  Iyo Miisaaniyada ,waxaana iman Lahayd  hadii dhaqaalahaasi dheeriga ah  Labadaa Sano Oo Dhan  84,460,000,000  la isku wada geeyo inay dhisi lahayd jidadka dalka Oo Dhan .Waxaa kaloo lagu qaban lahaa mashaariic kala gedisan oo Waxtar U Leh Dalka Iyo Dadkaba  Haday  Jirto Daacadnimo Iyo Xilkasnimo  Taas Oo Khaas U Ah Nin La Biday Daacadnimo Iyo Wadaadnimo ( La Hubsayoo Gorayo Haad Noqon Wayday)




 




Wasaarada Maaliyada Somaliland waxaa ay Xiligan u baahan tahay Baadhis lagu Sameeyo Sanadaha 2012 , 2013 iyo 2014 Sadexdiisa bilood ee u horeeya. Waxa Kale Oo Jira   Shaqaalaha wasaarada ee dugsanaya Kala qobqobka , Midabtakoorka Iyo Qof Jeclaysiga Iyadoo 




 




Mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada Maaliyada Somaliland oo ku sugan magaalada hargaysa Ayaa Xogogaal Mar Ay La Xidhiidhay Waxa Uu Yidhi Sidan




 




Weligeed walaal Kama Aysan Dhicin Wasaarada Maaliyada Kala sooca iyo kala qaybinta oo dhinac walba leh waxaana dhici Karta hadii Aan degdeg looga Soo Gaadhin Maamulkan Hada Jooga Wasaaradan Inay Dhacday dhicina Doonto In Lagu kala Aargoosto wasaarada Dhexdeeda,sababtoo ah Waxaa Jira Shaqaale Badan Oo aad u Gadoodsan Isla Markaana  Cadhaysan,kuwaasi oo Arkaya waxan meesha ka Dhacaya,Waxana walaal meesha ka dhacaya in Shaqaale xad-Dhaaf ah lasoo qorto,iyadoo shaqaalihii hore Tuban yihiin,Welina aan shaqo loo dirin Waana mid Huwan Shaadh Beelaysan  Waxa Kaloo Dhacday In Mar kaliya 39 Shaqaale Ah Oo Isku Reer Ah Isku Mar La Shaqaalaysiiyay Hal Warqad Oo Ay Ku Taxnaayeen Magacyadooda Oo Waliba Grade Kii Wadata Iyada Oo Aan Haba yaraatee Wax Imtixaana  Ahna aan Laga Qaadin Lana  Soo Marin Haayadii Shaqaalaha Ee Ku Shaqada Lahayd