Dhaliilaha Hay’adaha amaanka looga soo jeedinayo dhacdooyin is xig-xigay oo jawaab la’aantoodu shaki badan abuurtay…Akhri warbixin
Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa sii daysay Niman u dhashay dalka Itoobiya oo laga shakiyay oo maalin saddexaad lagu qabtay Magaaladda Gabiley ee xuduudka labada dal xigta.
Raggan oo lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil Gobollada Somaaliya ka hawl-gala, ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca Puntland, waxaanay sii dhex mareen dhamaan Gobollada Laamigu maro, ka hor intaanay Bilayska Gabiley ku qaban Istabta Magaaladaasi, ka dib markii ay ka shakiyeen Taarikadda gawaadhida ugu xidhan oo ahayd Soomaaliya.
Saraakiisha Bilayska ee Gobolka Gabiley ayaa sheegay in nimankaasi ay wateen laba Gaadhi oo ah mid surf ah iyo Grande nooca dambe ah, waxaana markii baabuurtooda la baadhay laga helay Qoryo iyo Baskooladdo bilaa sharci ah.
Bilayska Gabiley iyo Laamaha kale ee dawladda ayaa markii kisaska noocan ah lagu qabtay isu soo dhaafiyay dhanka Magaaladda Hargeysa.
Laakiinse Saraakiil ka tirsan Laamaha amniga Somaliland ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in ragaasi iyo Gawaadhidii ay wateenba la sii daayay shalay, ka dib markii arrimaha laga shakiyay lagu sameeyay baadhitaano.
“nimankaasi caadibay ahaayeen, laakiinse qaabka ay u socdeenbaa qaldanayd oo shakiga abuurtay, markaa adigu markii dambe waa layska sii daayay , waanay gudbeen”sidaasi waxa yidhi mid ka mida saraakiisha amniga ee Magaaladda Hargeysa.
Inkasta, oo ay amaan tahay Somaliland, hadana ciidamada nabad-gelyada ee xuduuddaha waddanka laga soo galo jooga ayaa la sheegayaa inaanay ka muuqan foojignaan badan oo ay kaga hortagayaan dadka halista ku noqon kara amaanka.
Eeddan ayaa korodhay markii dadka qaarkii ka war heleen nimankan Itoobiyaanka ah ee la qabtay iyagoo xuduudka ku soo dhow.
Sida uu sheegay Maxamed oo hore uga tirsanaa ciidanka amniga “arrintan waa mid khatar ku ah amaanka Somaliland oo halisteeda leh, waxaana ku dhaliilan Taliska Bilayska oo ay tahay in waxyaabaha noocan ah lagula xisaabtamo. Waayo waa habacsanaan aad u weyn”
Madaxda Ciidanka Bilayska ayaan wali tafaasiil cad ka bixin qaabka uu Saldhiga dhexe ee Hargeysa uga baxsaday Nin hore Maayir uga ahaan jiray Degmada Xarshin ee Talowga Kilalka shanaad ee Itoobiya oo todobaadkii hore laga waayay xabsiga, ka dib markii muddo ka hor isaga iyo dhawr sarkaal oo kale laga soo qabtay degmada Sayla’ ee soohdinta labada waddan ku taala.
Baxsadka Ninkan ayaa loo xidhay Taliyihii Saldhiga dhexe ee Hargeysa, saddex Askari oo kale oo uu ku jiro Ninkii habeenka la waayay gaadhka ku jiray iyo dad lagu sheegay inay saldhiga cunto ugu keeni jireen Ninka baxsaday.
Balse dadka qaar ayaa baxsashada guddoomiyihii hore ee Xarshin ku tilmaamaya mu’aamarad loo dhigay Taliye Saldhiga xidhan, taasoo ay wax ka ogyihiin Masuuliyiinta sarsare ee ciidanku.
Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ayaa sii kordhiyay Dhaliisha bilayska iyo laamaha kale ee amaanka looga soo jeedinayo sugida nabad-gelyada gudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka soo gelootiga ah.
Laakiinse Laanta Socdaalka ee Gobolka Sool ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay hawl-galo lagu baadhayo dadka ka soo gala dhinaca Puntland ka wadday Magaaladda laascaanood oo ah Saldhig Milateri, sida uu Gobanimonews u sheegay Taliyaha laanta Socdaalka ee Gobolkaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com