Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in weli ay Magaaladaasi ka jirto xiisad kacsanaan leh, iyadoo banaanbaxa ka soconaayo uu galay maalintii 3-aad.
Boqolaal ka mid ah dadka reer Baydhabo oo si weyn kaga soo horjeedo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxay maanta xoog ku galeen guri ku yaala Magaalada Baydhabo, xilli la sheegay in uu ku sugnaa Shariif Xasan.
Dadkaan, ayaa la sheegay in ay dhismahaasi si weyn uga badi goobeen Shariif Xasan, inkastoo ay xaqiiqsadeen inaanu ku sugneen, Masuulkii ay baadigoobka ugu jireen.
Banaan baxayaasha, ayaa waxay saamayn weyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray Magaalada, iyadoo ay irdaha u laaban yihiin goobaha ganacsiga, hakadna uu ku yimid gaadiidkii dadweynaha ee Magaalada Baydhabo ka hawlgalaayay.
Xiisada kacsanaanta leh ee ka jirta Baydhabo, ayaa maanta sidoo kale saameeyay goobihii waxbarashada ee Magaalada, ka gadaal markii Maamulada Iskuulada ay fasaxeen ardayda.
Banaan baxayaasha, ayaa sidoo kale weli laamiyada Baydhabo ku gubaaya shaagag/taayeero, wuxuuna jawiga Magaalada Baydhabo uu u muuqdaa, mid ay ku dul fooraraan daruuro colaadeed.
Dowladda Federalka ee Somaliya ilaa iyo hadda war rasmi ah kama aynaan soo saarin, waxa ka jira Magaalada Baydhabo, iyadoo ay muuqaneyso sida dadka reer Baydhabo ay u taageersan yihiin Maamulka 6-da Gobo.