Wednesday, March 26, 2014

Faysal Cali Waraabe dhaliilay Wasiirrada xukuumada, intaanu u dhoofin Tansania


Faysal ClaiHargeysa(GNA) -Gudoomiyaha Xisbiga ,Mucaaridka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay ujeedada Safar uu maanta ugu kicitimay dalka Tansania,kaasoo uu sheegay  inuu ku tagayo sidii uu uga qayb gali lahaa Shir ay leeyihiin Wadamada ka tirsan Ururka Social Internatinal, oo lagaga hadlaayo Xaaladaha ka taagan Wadamada Afrika ee ay ka socdaan Dagaaladu,Dawlad Wanaaga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Dhaqaalaha Wadamadaa.




Faysal Cali waraabe ayaa warbaahinta la hadlay ka hor intaanu dhoofin.




“Maanta waxaan baxayaa waxaanan galayaa safar, waxaan ku sii horayn doonaa  wadanka Tanzania  halkaas oo aan kaga qayb gali doono bisha soo bishan shir ay leeyihiin wadamada ka tirsan ururka la yidhaa Socialist International, waxaana marti qaaday xisbiga haya talada dalka Tanzania ee CCM anaguna marti qaadkaas ayaanu ku jirnaa, waxaana ka qayb galaya aniga iyo ninka nooga wakiilka ah ururkaas, waxaana lagaga wada hadli doonaa  qulquladaha ka taagan wadamada Afrika ee ay ka mid yihiin Somalida, koonfurta Suudaan iyo Congo, waxa kale oo lagaga hadli doonaa  dawlad wanaaga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamadaas.”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe




 




Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee UCID Waxaa uu sida Oo kale uu sheegay in uu halkaasi uga sii ambabixi doono wadamo kale oo iyaguna ka tirsan dalalka Yurub,Kuwaasi oo uu sheegay in uu kaga qaybgali doono shir halkaasi ka dhicid doona,waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedada safarkiisu ay tahay sidii dadaal xoogan loogu samayn lahaa in laga midho dhaliyo sidii meel loogu tiirin lahaa qadiyada gooni isu tag jamhuriyda somaliland loona raadin laha in bulshada aynu ka helno citiraaf buuxa.




 




“Waxaanan u sii dhaafi doonaa Finland aniga oo hal usbuuc joogi doona una sii dhaafi doona wadanka Jarmalka oo uu ka dhici doono shir la yidhaa German African Energy kaas oo ay iskugu iman doonaan wadamo badan oo Afrikaan ah, waxaanan u sii dhaafi doonaa wadanka Beljiem si aan ula kulmo midawga Yurub,waxaanan marka danbe tagi doonaa wadanka Ingiriiska, waxaasna badankooda waxa ugu weyn hawl qaran waayo aduunka waynu ka seexanay waxaana loo baahan yahay in sidii barigii jabhada la ahaa oo kale inuu qof waliba sidii uu ugu shaqaynayey inuu gudoomiyaha SNM ahaa in arimaha qaranka aan cidna lagu halayn oo xisbi ahaan loo ordaa, shakhsi ahaan loo ordaa sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa himilada shacabka gooni isku taaga somaliladn ee loo gaajooday ee loo dhintay xabaalaha waaweyna loo yeeshay, anaguna cidna ku halayn mayno  waxaanu jecelnahay inaanu shaqayno haddii aanu xisbiga Ucid nahay.”Ayuu Yidhi Fasyal Cali Waraabe




Ugu danbayntii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe waxaa uu si kulul ula hadlay wasiirada ka tirsan xukuumada siilaanyo oo uu ku eedeeyey inay gabeen shaqadii ay dalka uhayeen waxaan uu sheegay in marka madaxweyne siilaanyo uu meel u baxayo ay raacayaan marka kalena aanay danta shacabka ka fekerayn waxaana uu yidhi:“ Waxaanad moodaa in dadkii la ilaabay oo masuuliyiinta dalku halkii ay iska dhisi lahaayeen shacabka ay u hayaan xilka ay iska dhisayaan madaxweynaha oo marka uu baxana ay wada raacayaan marka kalana ay madaxtooyada wada taagan yihiin, maantana shacabkeenu wuu gaajoonayaa maceeshadii iyo doolarkiina cirka ayuu ku marayaa, cunto dhacday ayaana la keena taas oo keentay inuu dalka ku bato xanuunka kansarku , waxaanan leeyahay wasiirada  guul wadanimada iska daaya oo shacabka u shaqeeya, madaxweynuhuna idinkumuu odhan dadka caaya idinka oo aan la garanayn sida ay xaaladiinu tahay.”




Mustafe Maxamed Cabdilaahi




Gobanimonews




Hargeysa Office