Tuesday, March 25, 2014

Berbera:Guddida Joogtada ee G. Wakiillada oo la xisaabtamaya Xafiisyada Dawladda iyo Dekedda


BuubaaBerbera(GNA)-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay hawlo xaqiiqo raadin iyo xogogaal  u noqosho habka ay xafiisyada dawladdu bulshada ugu adeegaan ah ka waday Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.




Guddida ayaa la kulmay intii ay joogeen Magaaladda qaybo ka mida Bulshada rayidka ah, Madaxda dawladda ee heer gobol iyo mid degmo iyo waliba maamulka Maxjaradda ku yaala magaaladda oo ay qaarkood soo kormeereen.




Guddida ayaa dhinacyada ka waraystay qaabka ay bulshada ugu adeegaan, halka dadweynahana ay waydiinayaan heerka adeegyada ay ka helaan xafiisyada dawladda iyo inay ku qanacsanyihiin.




Afhayeenka Guddida Joogtada Golaha Wakiillada Somaliland Ibraahim Mahdi Buubaa  ayaa Gobanimonews u sheegay in ujeedada kormeer hawleedkoodu la xidhiidho sidii loola xisaabtami lahaa Hay’addaha dawladda ee heer gobol, khaasatan kuwa ka baxsan Caasimadda dalka.




Goobaha ay Guddidu diirrada saartay ayaa waxa ka mida xarumaha Garsoorka, Xafiiska Gobolka, Dawladda hoose, Dekedda iyo Kastamadda cashuuraha iyo xarumaha kale ee dawladda, kuwaasoo ay masuuliyiintooda kulamo gooni gooni ah la yeesheen.




Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor ayaa  Maanta Guddidu la kulantay, kaasoo ka waraysteen qaabka ay dekeddu u shaqayso, adeegyada ay bixiso, habka loo Maamulo dhaqaalaha ka soo baxa iyo qorsheyaasha u degsan ee dhanka horumarinta.




Dhinaca kale, Guddida ayaa hawlaha ay kula xisaabtamayaan Xafiis-goboleedyada dawladda, bar bar wada hir-gelinta xarumo Golaha wakiilladu ku yeelanayo shanta magaalo madaxeed ee Gobolladii hore u jiray ee Somaliland.




Waxaanay maalintii shalay Magaalada Berbera ka furteen xafiiskii labaad ee heer Gobol Golaha Wakiilladu ku yeesho, kaasoo uu ka horeeyay mid kale oo ay Boorama ka soo fureen laba Todobaadkii hore .




Sida ay Gobanimo u sheegeen xubno ka mida Guddidu, waxa ay natiijadda Kormeerkooda shaqo ee Gobollada ku soo bandhigayaan warbixin furitaanka Fadhiga Golaha wakiillada oo bisha soo socota furmi doona.




Waana markii ugu horaysay ee Golaha wakiilladu la xisaabtan noocan ah ugu baxo Gobollada ka baxsan Caasimadda dalka oo ay hawl-galo ku waajahaan xafiisyada dawladda ee heer Gobol iyo mid deegaan, tan iyo markii la soo doortay sanaddood iyo lix bilood ka hor, Golaha hada fadhiya oo ay ahayd inay wakhti hore shaqadan qabtaan, balse iminka isu dhigaya kuwo  isbedel sameynaya xili saluugii Bulshadu ka qabtay quus gaadhay.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com