Hargeysa(GNA)-Degmada Badhan ee bariga Sanaag ayaa la sheegay in ciidamo ka kala socda Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland ay isku hor fadhiyaan, kuwaas oo laba xero oo isku dhaw ay fadhiisimo ka kala samayteen.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goobjoog ku ah degmada Badhan ayaa sheegay in ciidamo uu wato taliyaha ciidanka daraawiishta maamul goboleedka Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur uu soo gaadhay doraad degmada Badhan, kuwaas oo ila wareedyadu tibaaxeen inay dageen xero ku taala cidhifka bari ee magaalada Badhan.
Waxa sidoo kale tibaaxuhu intaasi ku dareen in ciidamo ka socda Somaliland gaar ahaan ciidamada qaranka oo la sheegay inuu hogaaminayo taliye Guray iyagana la sheegay inay habeen hore soo gaadheen Badhan, isla markaana ay dageen xero ku taala xaafada cidhifka galbeed ee magaalada Badhan.
Shacbiga ku dhaqan degmada Badhan ayaa la sheegay inay walaac ka muujinayaan xaaladaha ka iman kara ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ee ku wada sugan Badhan oo la tilmaamay inay masaafad yar isku jiraan in dagaal ka dhex qarxo waxyeelana ka soo gaadho shacabka deegaamadaasi gaar ahaana Badhan.