Bismilaahi Raxmaani Rixii Inkastoo Laga Yaabo In Dareenka
	Caawa Aniga Isoo Mirkiciyay Uu Wakhtigan Keli Kuyahay
	Aniga Iyo Qalinkayga Hadana Waxaan Hubaa oo Aan Shaki
	Kujirin In Inbadan oo Bulshadda Kamidi Marka Ay Akhristaan
	Maqaalkan Ay Ila Dareemi Doonaan Dareen Qiirro Leh
	oo Xusuustiisu Aad Umudantahay Waxan Doonayaa Inaan
	Ku Dhawaaddo Muhimadda Maqaalkan Iyo Muunadaiisaba
	Hadaba Sidaa Ciwaankaba Ku Arkaysaan Waxan Doonayaa
	Inaan Sigaarra U Xasuusiyo M/weynaha Qaranka JSL Mudane
	Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Haldoor Fara Badan
	oo Ay In Badan Soo Wada Halgameen Maantana Aan Iiga
	Muuqan Agtiisa Iyadoon  La Ikiri Karin Guud Ahaan Geesiyaddii
	Dhiigoodda U Huray Dib uxorayntii Dalkan JSL oo Ay Dhamaatood
	Taariikhda Baal Dahaba Kaga Wada Jiraan Waxan Doonayaa Inaan
	Rag Aad uqiimo Badan oo Dalkan Dhinacyo Badan ugu Halgamay
	Islamarkaana Kasoo Wadda Jeeda Beesha Mudanka U Ah
	Beelaha G/saaxil Ammaba Beesha Abkor Ciise Hadab Ragaas
	Waxa Kamida AHN Mujaahid Xaamud Ibraahin Yaasiin oo Kamid
	Ahaa Mujaahidiintii Magaca Iyo Maamuuskaba Kulahayd Ururkii
	Dib Xoraynta Dalkan JSL Kana Mid Ahaa Mujaahidiintii Ay Meel
	Ku Wada Shihiideen Mujaahidkii Waynaa AHN ee Maxa.ed Xaashi [lixlle]
	Maalintii Burco Duuray Kuna Taariikhaysan Maalinta Shuhaadadda
	SNM ee 17/10/1986 Hadaba Mujaahid Xaamud Waxaa Ku Xasuusan
	Kartaan Maansaddii Hadraawi ee Daalalay oo Tuduc Kamidi uu Isaga
	Ku Haqabsaday IFKUU XAAMUD DAAREE DAMIN BAAN KU DHAARTEE
	Taas oo Uu Uga Jeedday Abwaanku Amma Ku Sheegayay Wacdarihii
	Uu Maalintaa Dhigay Mujaahidku Intii Aanu Shihiidin Kahor Waxana
	Mujaahidka Lagu Xasuustaa Inuu Maalintaa Ku Dagaalamaayay Qoriga
	Baasuukaha Looyaqaano Amma ARBG-ga Amma Sebenka Hadaba Sidaa
	Utaqaaniin Isagoo oo Ku Gubay Beebeeyadii Cadawga Xayn Kamidda
	 
	Sidoo Kale Waxa Haldoorkaa Isku Ardaaga Ah Kamid Ahaa oo Xusid
	Mudan Isaguna AHN Mujahid Haybe Axmed Guure Haybe Laanbad
	Islamarkaana Intiina Badani Aad Wada Garanaysaan Soona Wada
	Gaadheen AHN Haybe Laanbad Waxa Uu Kamid Ahaa Mujaahidintii
	Magaca Wayn Ku Lahayd Halgankii Dib U Xoraynta Dalkan JSL Sida
	Lawada Ogyahayna Waxa uu Geeriyooday Dhawaan Isaga Xiligaa
	Ahaa Gudoomiyaha Geeska Afrika ee Ciidamadii Kadagaalamay
	Barma Xiligii Dagaalkii 2aad ee Aduunka Hadaba Qalin Kuma Kobi
	Karo Taariikhda Ragan Waayo Waxay Ahaayeen Rag Si Miisaanleh
	Dunidda Uga Tamariyay Intii Ay Noolayeen Sidaa Daraadeed Waynu
	Dulmaraynaa Taariikhdood Mar Hadaynaan Qalin Ku Koobayn
	 
	Waxa Sidoo Kale Jira Mujaahidiin Tirro Badan Iyo Haldoor Weli
	Aanu Qalinku Soogaadhin oo Kala Ah Maxa.ud [Wadaad] oo
	Isagu Nool Layguna Sheegay Inuu Jiro Wadamada Carabta
	Kana Mid Ahaa Mujaahidiintii Lasocotay AHN Maalintii uu
	Shihiiday Mujaahid Haragwaafi Tuulada Awbarkhadle Runtiina
	Maalmo Badan Kulahaa Halgankii Dalkan Loosoomaray Xorayntiisa
	 
	Sidoo Kale Waxa Aan La Hilmaami Karin Isagan oo Xusid Mudan
	Muj C/raxmaan Cawil Xasan Agaasimihii Hore ee W/Kaluumaysiga
	oo Sidaan Filaayo Isaguna Hada Hargaysa Ku Sugan Hadaba Waxa
	Uu C/raxmaan Kamid Ahaa Sidaan Jecelahay Ragii Ku Dhaawacmay
	Goobihii Adkaa Mid Kamid Ahayd Waxana Uu Kudhaawacmay
	Magaalada Loo Yaqaano Cadaadlay oo Runtii Ahayd Goobihii ugu
	Adkaa Goobihii Halganka Sidoo Waxana Dhaawacaa Kadib Dhakhtar
	Loo Geeyay Wadanka Holland Hadaanan Qaladanayn Waxana uu
	Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Sanadihii 2002dii Meelaha Isagoo Kamid
	Noqday Xisbiga Talada Haya Imika ee Kulmiye Waxaanu Markii Talada
	Kulmiye Ku Guulaystay Loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasarada
	Kaluumaysi Iyo Khayraadka Badda Iyadoo Runtii uu Kaga Tegay Raad
	Waxaqabad Markii Uu Xilka Wareejinaayay Aniga Oo Soo Koobaya Sidaan
	Horeba Usheegay Hadaan Intaa Kaga Tago Mujaahid C/raxmaan iyo
	Guud Ahaanba Mujahidiinti Iyagu Qoriga Iyo Qalinkaba Ku Dagaalamay
	 
	 
	Bal Aynu Guntii Iyo Gunadkii Ku Eegno Rag Kale oo Isla Xaafadaas Ah
	oo Ay Kamid Yihiin AHN Dr Idiris Cabdi W/Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Xiligii Xukumadii Daahir Rayaale Kaahin Iyo Sidoo Kale Isna AHN Oday Axmed Carab oo Kamid Ahaan Jiray Golaha Guurtida JSL Islamakaana Ahaa Ragii Nabada Maanta Dhidibadda Utaagay Waxanan Ku Xasuustaa Axmed Carab Dhamaadkii Sanadii 1992 Maraan Ku Arkay Tuulada Bilcilwayso Ee Deegaanka Waraabeeye Halkaso oo Uu Hogaaminaayay Odayaal Nabada Ka Shaqaynaayay Iyadoo Xiligaas Ay Dalka Aafeeyeen Dagaaladii Sukeeye Waxanan Axmed Carab Ku Xasuustaa Runtii Sama Talis Iyo Inta Nin Qiimo  Leeyahay Waxa Uu Ahaa Mudakar Codkara Ah oo Beeldaajiye Ah
	Waxaan Ugu Dambayntii Maqaalakan Kusoo Afmeeraya Aqoonyahan
	Axmed Aw Aadan Wasiiru Dawlihii W/Arimaha Debedda Xiligii Xukumadii Maxa.ed X Ibraahim Cigaal oo Sida Runtii Ah uu Door Wayn Kaqaatay
	Dib Udhiska Hanaanka Dawladnimadda Hadaba Mudane M/wayne
	Beeshaas Aan Kasoo Sheekeeyay Xaqoodii Iiga Muuqdo Xukumadada
	Waxa Laga Yaabaa In Dadku Isyidhaahdaan Ama Imoodaan Inaan Aniga
	Laftaydu Beeshan Aan Kasoo Jeeddo Macnaha Sidaan Uga Hadlaayo
	Xaqooda Waxaan Doonayaa Inaan Cadeeyo Inaan Kamid Ahayn Beeshaa Aan Kor Ku Xusay Balse Waxa IImuuqatay In Xaqoodii Qaar Aan Meela Usoomarin Maalina U Haraadin Dalkani Ay Isku Gudbeen Markaa
	M/weyne Reer Saaxi U Xaq Soor Waana Soo Jeedin Runtii Mudan
	In Il Cadaaladed Aad Ku eegto
	 
	by Sacad Cali Kaahin Plucky