G8 oo lagu bedelay G7 markii si badheedha looga saaray Russia oo sanadka shir-guddoomin lahaa
Washington(GNA)-Aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Brack Obama booqasho ku marayo Shan dal oo uu ka midyahay waddanka Sucuudigu, waxaana la sheegay inay ka wada hadlayaan arrimaha iskaashiga dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Hase ahaatee ilo madaxbanaan oo laga helay safarka Madaxweynaha oo bilaamay maalintii shalay ayaa sheegaya in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayo Olole ka dhan ah Ruushka oo uu doonayo sidii ay dhinac uga noqon lahaayeen dalalkaasi faro-gelinta Ruushku ku sameeyay Xiisadda dalka Ukraine iyo talaabada uu kula wareegay Gobolka Crimea.
Inta badan dalalka uu marayo ayaa ka mida xulafadiisa siyaasadda ee reer Galbeedka, marka laga reebo Sucuudiga oo gacan saar siyaasaddeed iyo mid dhaqaale kala dhexeeyo, haatana uu doonayo inuu xoojiyo Shidaalka uu ka qaato, si Russia aanu ugu baahan tamarta Gaasta ee uu ka iibsado.
Madaxweyne Obama ayaa Isniintii shalay dalka Netherland’s kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Reysal-wasaaraha Netherland’s.
Ololaha Obama ayaa bilaamay maalin uun ka hor baajinta Shirka G8 oo Ruushka laga saaray.
G8 ayaa meesha ka baxday, kaddib kulan si ula kac ah looga saaray waddanka Ruushka, iyadooa toddobada xubnood ee kale - oo uu hogaaminayo Madaxweyne Obama ay xaqiijiyeen in aanay ka qeyb gali doonin shirka G8 ee sanadkan ee lagu waday in uu guddoomiyo Madaxweyne Putin ee ka dhici lahaa magaalada Sochi.
G7-ta cusub ayaa bisha Juun ku kulmi doonaan magaalada Brussels.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Britain, William Hague, ayaa sheegay in ay howsha ku socon doonto sidii loo diyaarin lahaa cunaqabateeno xooggan haddii Ruushka uu kordhiyo falalka uu ka geysanayo gudaha Ukraine.
Ruushka ayaa ku gacansayray in laga saaro kooxda G8, iyadoo ay waqti adag ku qaadatay Ruushka in uu ku biiro kooxdaasi sagaashameeyadii markaa oo la aqoonsaday heerka dalkaasi ee sii kordhaayay ee ah in uu yahay awood weyn kaddib markii ay burburtay boqortooyadii Midowgii Soofiyeeti.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushka aanay musiibo weyn u aheyn in laga saaro G8.
Laakiin hogaamiyayaasha G7 ayaa ku qeexay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen in qaab diblomaasiyadeed lagu xaliyo xaalada ay weli furan tahay.
Waxay ugu baaqeen Ruushka in ay bilaabaan wadahadal ay la yeeshaan dowladda Ukraine - taasina Moscow waa ay sameysay.
Sergei Lavrov ayaa waxa uu kula kulmay dhigiisa Ukraine magaalada The Hague halkaa oo uu ka socdo shirka G7.
Taasina waxa ay meesha ka saartay diidmadii ay Moscow diidaneyd in ay wadahadal toos ah la yeelato dowladda ku meel gaarka ah ee Kiev.
Dagaalka Diblomaasiyaddeed ee Ruushka iyo Xulafadda Maraykanka ayaa samadda isku sii shareeraya, iyadoo ay Khamiistii Moscow iyo Maraykanku isweydaarsadeen cunoqabateyn midba midka kale ku soo rogay.