Kismaayo(GNA)-Dablay hubaysan ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku dishay Magaalada Kismaayo Ugaas Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.
Dilka Ugaaska ayaa ka dhacay halka loo yaqaano V-Afmadow oo ka tirsan xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay baxsadeen, socdaana howlgalo ay wadaan ciidamada maamulka Jubba oo lagu baadi goobayo kooxdaas.
Ugaas Max’ed Xuseen Hafoow ayaa ka mid ahaa hogaan dhaqameedkii i wax ka dhisay maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).
Waxa uu ka mid ahaa hogamiye dhaqameedyada Beesha Cowro-male sida weyn looga yaqaan gobollada Jubooyinka iyo guud ahaan koonfurta Somalia.
Dilalka dadka hormuudka u ah Bulshada ayaa ku soo badanaya Magaalada kismaayo.
Gobanimonews
Kismaayo Office
Email: editor@gobanimonews.com