Tuesday, March 25, 2014

Ciidanka Somalia & Amisom oo ugu dambeyn la wareegay Degmada Maxaas


Maxaas(GNA)-Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom oo barbar socda Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay caawa la wareegeen gacan ku haynta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.




galgadud_howgal_6




 




Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa si taxadar leh gudaha ugu galay Degmada Maxaas, iyadoo aynaan wax iska caabin ah kala kulmin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.




Shabaab, ayaa si rasmi ah u baneeyay Degmada Maxaas saacado kahor, markii uu culeys ka soo fuulay dhinaca Ciidanka Xooga Dalka, oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika.




Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Maamulka Gobolka Hiiraan ahna Taliyaha Ciidanka Dowladda horcaaya Maxamed Muumin Saney, ayaa sheegay in ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen Degmada Maxaas.




Gudoomiyaha, ayaa xusay in nabadiidka ay isaga baxeen Degmada Maxaas sida uu yiri, ka gadaal markii uu sheegay inay ogaadeen, inaanay u babac-dhigi karin Ciidanka Dowladda iyo Amisom.




Dadka ku haray Degmada Maxaas, ayaa soo sheegaaya in Degmadaasi lagu arkaayo Ciidamada Dowladda iyo Amisom, xilli ay si nabadgelyo leh ugala wareegeen Shabaabka.




Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay wataan gaadiidka waaweyn ee dagaalada, gawaarida aynaan rasaastu karin, gaadiidka Cabdi Billaha iyo madaadiicda loo adeegsado burburinta goobaha gaashaaman.




 




Labada Ciidan, ayaa fariisimo ka kala sameysanaaya gudaha iyo duleedyada Degmada Maxaas, si ay kaga hortaggaan weeraro rogaal celin ah, oo kaga yimaado Xoogaga Shabaab.




Maxaas waxay noqoneysaa Degmadii 9-aad oo lagala wareego Ururka Al Shabaab muddo 20 cisho gudahood, waxaana horey loogala wareegay Rabdhuure, Xudur, Waajid, Buurdhuubo, Qoryooley, Warsheekh, Raage Ceele iyo Buulo Burde.