Muqdisho(GNA) -Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay jartay gabi ahaan waddooyinkii ay sahaydu u mari lahayd ciidamada ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah madaxa Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay jareen dhammaan waddooyinkii sahayda u soo mari lahaa ciidamada qabsaday degmada Qoryooley.
Mas’uulkan ayaa sheegay in qaybo ka mid ah Qoryooley ay ku sugan yihiin xoogag iyaga taageersan, isla markaana weerarro kala duwan ay ka qaadeen ciidamada la wareegay degmadaas ayna khasaare gaarsiiyeen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska caabin adag kala kulmaya Al-shabaab, waxaana tani u muuqataa mid ka duwan meelihii ay la wareegayeen bishan gudaheed oo aanay iska caabinno badan kala kulin, marka la reeb qaraxii ka dhacay degmada Buulo-burte.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaiya, C/qaadir Siidii ayaa sheegay inaanay arag dagaal la mid ah kan ay ku galeen Qoryooley, tan iyo markii ay Al-shabaab kala wareegayeen deegaannada ay ka mid tahay Qoryooley, isagoo xusay in Xamar ay ugu dambeysay dagaal ceykan oo kale ah oo Al-shabaab kala hor-yimaadeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Degmada Qoryooley ayaa waxaa weli ka barakacaya shacabkii ku noolaa, kuwaasoo ka baqdin qaba inay waxyeello kasoo gaarto dagaallada aan kala go’a lahayn ee ku dhexmaraya degmadaas ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.