Wednesday, March 26, 2014

Boorama: kulan ku saabsan Bilawga Iyo Faa'idada Talaalka Dabaysha +Sawiro


DSC07457Borama(GNA) Kulan loogu gogol xadhayay talaalka cidhibtirka dabaysha ayaa ka qabsoomay maanta magaalada Boorama, kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaabka ku xigeenka gobolka, Agaasimaha Wacyigalinta ee Wasaarada Caafimaadka, Madaxda Caafimaadka Gobolka, Saraakiisha hayadaha ka shaqeeya Caafimaadka, Culimaaudiin, Saraakiil ka socotay ururka NOW iyo dadwayne kale oo aad u badan.




 Ugu Horayn ayaa waxa halkaasi ka hadalay Madaxa Hayada WHO uga wakiilka ah gobolka Awdal Siciid Bile Buraare, waxana uu ka waramay in talaalka sababta loo soo celcelinayaa ay tahay in gabi ahaanba la cidhib tidho cudurka dabaysha oo meelo ka mid ah Somaliland lagu arkay.




 Nasiib wanaag dhibcaha talaalka ee la soo celcelinayaa waxa ay tahay in la xoojiyo difaaca jidhka ee ilmaha yar si looga hortago dhibaatada cudurka dabaysha,  sidaas aawadeed mar hadii ay bulshadu isku furfuran tahay waxa hubaal ah in uu nooga  soo talaabi karo dhinaca Somaliya oo uu wali ka jiro cudurkaasi, waxana nagu waajib ah inaan digtoonideeda qabno, iyada oo taas ka duulaysa ayay Wasaarad Caafimaadka iyo Hayadaha WHO iyo UNICEF go’aansadeen in la soo celceliyo talaalka si loo gaarsiiyo ilmo kasta oo ku nool Somaliland oo ka yar 10 jir”




 Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay in talaalku uu si habsami ah u bilaabmi doono 26ka bishan oo ku beegan barito, loona baahan yahay in la siiyo ilmo walba oo mutaysatay si bulshada looga badbaadiyo cudurka dabaysha, waxana uu intan ku daray in talaalku socon doono mudo 4 maalmood ah




 Madaxa Talaalka Dabaysha ee Degmada Boorama Marwo Siraad Cabdi Buux oo iyaduna hadalka qaadatay ayaa tidhi “Hooyooyinka ayaan la hadlayaa aniga oo ogg inay hooyadu tahay mida dhibta la marta ilma xanuunsan, waxa aan ugu baaqayaa inay ilmaha talaalaan si ay uga hortagaan xanuunka dabaysha oo ilma naafayn kara”




 Agaasime Wacyigalinta ee Wasaarada Caafimaadka Md. Axmed Juwan ayaa isaguna la dardaarmay shaqaalaha fulinaya talaaka, waxana uu ku adkeeyay inay shaqadooda si daacad ah u gutaan oo ay galaan guri walba si ay ilmaha u talaalaan bulshadana u badbaadiyaan




Badhasaabka Ku Xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa  bulshada ku baraarujiyay in la qaato talaalka, isla markaana aan cudurka Dabaysha loo ogolaan inuu ilmo naafeeyo iyada oo talaaku yahay ka hortaga cudurkaasi, waxa kale oo uu si gaar ah fariin ugu diray hooyooyinka oo uu ku dardaaray  in ay laga maarmaan tahay inay ka war hayaan caruurta oo ay talaalaan gabi ahaanba ilmo kasta oo xaq u leh inuu helo talaal si loo badbaadiyo.




 Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Awdal Sh. Xaamud Axmed Nadiif oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu kula dardaarmay culimaaudiinka kala duwan ee gobolka Awdal inay bulshada ku wacyigaliyaan talaalka una sheegaan ahmiyada ay diintu siisay caafimaadka, isaga oo ku adkeeyay in maalinta Jimcaha ah kala hadlaan dadka masaajidyada, gaarsiiyaana fariimaha ku aadan talaalka iyo ka faaiidaysigiisa.




 DSC07456 DSC07455 DSC07452 DSC07451 DSC07450 DSC07449 DSC07448 DSC07447 DSC07446 DSC07444 DSC07443 DSC07442 DSC07440 DSC07439 DSC07438 DSC07437 DSC07436 DSC07435 DSC07434 DSC07433 DSC07432 DSC07431 DSC07430 DSC07429 DSC07428 DSC07427 DSC07426 DSC07425 DSC07423 DSC07421




 




 




BY.Mustafe caraale




Gobanimo news




Brama-office