Tuesday, March 25, 2014

TUUGNIMADA XEELADAYSAN EE MAALGASHIYADA KU HOOS DUUGAN


Aaden-deeq




 




WAXAA ARIN INAGU UGUB AH XEELADAHA XUKUMADAN SIILAANYO KU DHAQANTO EE SHIRKADAHA CAALAMIGA AH LOOGU MAGAC DARO KUWAAS OO BARYAHAN DANBE AAD UGU SOO BADANAYA DALKEENA OO AAY UGU HOREYSAY GENEL ENERGY OO AH SHIRKAD SHIDAAL OO MARKII DALKA LASOO DEJINAAYEY RUNTII AHAYD ARIN FARXAD BADAN OO DADWEYNAHA IYO DHAMAAN BULSHADA FARXAD GALISAY TAASO RAJO BADAN BULSHA WAYNTA REER SOMALILAND KA QABTEY OO AAY ULA MUUQATEYHALKAA IN FURSADO SHAQO OO BADANI KASOO BIXI DOONAAN. HASE YEESHEE WAXAY BULSHADU FILANAYSAY MARNABA KAMA AAY HELIN SABABTOO AH WAXAAY SHIRKADII ISU BEDISHAY MAR KALIYAATA SHIRKAD AAY WATAAN WASIIRO DHOWR AH OO XUKUMADA KA TIRSAN IN AAY SHIRKADA HESHIIS LA GALEEN OO ARINKUBA AHAA DANO GAAR AH OO ASHKHAASI LEEDAHAY MARKII SHIRKADII BILOWDAY INAY HAWLGASHO. WAXAA DHACDAY IN ILAA GADIIDKAY SHIRKADU U BAAHNAYD IN WASIIRO GAAR AH IYO EHELADA MADAXWEYNE SIILAANYO AAY TOOS U HOOS TAGAYSAY. HADANA WATAN DEKADII LAGU MAGACAABAY IN SHIRKAD FARANSIISI MAAL GASHANAYSO IYO SHIRKADO KALOO DHOWR AH OO IYAGANA MID WALBA LOO YEELAY MAGAC DADBAN OO KU MAGACAABAN DAWLADO DANAYNAYA INAY MAAL GASHADAAN SOMALILAND. RUNTU WAXAY TAHAY WAXASOO SHIRKADO AH OO DAWLADU KOLBA HESHIIS LA GALAYSO WALI LAMA HAYO MID QUDHA OO LA SHAACIYO INTA SHAQAALE AAY QAADANAYSO IYO HABKA AAY WAX UGA TARAYAAN CAMAL LA'AANTA BAAHSAN EE KA JIRTA DALKA. DADWEYNUHUNA ISMA WAYDIYAAN WAXANOO MAALGASHI AH EE MALIN WALBA KOLBA WASAARADI LA GALAYSO SHIRKADAHA SALKA HALKA AY KU HAYAAN. WAA ARIMO MUDAN IN DADWAYNUHU AAD UGU DHUUR GALAAN KULANA XISAABTAMAAN XUKUMADA WAAYO XAQ BAY U LEEYIHIIN OO HALKAA IN SHAQOOYIN BADANI UGA SOO BAXAAN AYAY AHAYD HALKA AAY SHIRKADAHAN MAALGASHANAYA DALKA EE TV YADA LAGU SHAACINAYII RUNTII AAY KA YIHIIN SHIRKADA SI GAAR AH LOOLA SOO HESHIIYO OO INTA SILAANYO KU XEERAN IYO QARAABADIISA UUN RUNTII TOOS UGU GACAN GASHA. WAXAA JIRTEY OO INA SOO MARTAY IN AIRPORT KA HARGEYSA NIN GAAR AH LA SIIYAY OO MARKII HORE SHIRKAD LA INOOGU MAGACAABAY OO NINKII HADA ISAGU GAAR U LEEYAHAY SHIRKADA WADOOYINKA DHISAYSA TAASO QALABKA LAGU DHISAAYO WADOOYINKA DALKA LAGA IIBIYAY MAALGASHIGII AIRPORT KA HADANA ISLA ISAGII QADARAASYADII WADOOYINKA LAGU DHISAAYAY DHAMAANTOOD ISAGA GACANTA UGU JIRAAN LAGUNA GUNEEYO IYADOO LOOGA DAN LAHAA IN ILAHA DAWLADA SI DADBAN LOOGA FAA IIDAYSTO. WAANAY DHACDAY OO WAX INAGA QARSOON MAAHA WAAYO QAADHAANKA LOO URUURINAYA WADA CEERIGABO WAXAA DIB DHAQAALAHEEDA LOO HANTIYO WAANAY DHACDAY. SHIRKADAA DHISTAY MADAARKA WAXAA LEH NIN CUMAANI LA YIDHAA OO MADAXWEYNAHA QARAABO AY YIHIIN. RUNTII MUSUQMAASUQAN BAAHAASAN AYAA AH MID MADAXWEYNE SILAANYO RUNTII TOOS UGU SUNTAN OO AAN AHAYN WAX QARSOON. WAXAA KALOO XUKUMADU KU CAANO MAASHAY BEEN IYO WAXQABAD AAN RAAD LAHAYN OO ILAA MADAXDEEDII IYAGII AAY DALKOODII SI TOOSA OO BADHEEDHA U XADAYAAN INAGOO DHAMAAN ARKAYNA OO WAXBA INAGA QARSOONAYN. WAXAA WASIIRKA DUULISTA IYO HAWADU INOO SHEEGAY IN SHIRKAD SHIINE AHI DHISAYSO QANDARASKANA HESHAY MADAXWEYNUHUNA AFKIISA KA SHEEGAY LAKIIN MAAY AHAYN CIDINA WAX KAMAY ODHAN. HADABA HADA WAXAA TAAGAN IN WAXA MAALGASHI AH EE LA SHEEGAYII DHAMAANTOOD YIHIIN MAALGASHI TUUGO AH TAASO SHIRKADAHA CAALAMIGA AHINA KA FAA IIDAYSANYAAN FURSADA WAAYO MARKA KOOWAAD DALKU MA ICTIRAAFSANA OO WAXAAY LA HESHIYEEN UUN ASHKHAAS XUKUMADA AH OO AAY SHARE SIYEEN KUWAAS OO IYAGU UGU BALAN QAADAY INAY WAX WALBA USUURO GALINAYAAN HALKA SHIRKADUHU IYAGU AAY KA HELAYAAN MAALGASHI AAN LAGULA XISAABTAMAYN OO WAX BADAN FURSAD U SIINAYA INAY LABA JIBAAR IYAGU HELAAN PROFIT UGUNA DHIIRTEEN OO KALIYA AMNIGA SOMALILAND UNA BADHEEDHEEN INAY KU GALAAN IKSHOORAN LA'AAN MAADAAMO LA ICTIRAAFSANAYN DALKA LAKIIN ARINTAASI IYAGA FAA IIDO U TAHAY WAAYO WAX XISAAB AH OO LA WAYDIINAYA MA JIREYSO OO LACAG AYUUN BAY SIINAYAAN XUKUMADA HALKA IYAGU AAY XAALUFSANAYAAN KHAYRAADKA.




WAX DALKA IYO DADKA UGU JIRII MA JIRAAN HABA YARAATEE WAAYO SHAQAALE XATAA TAYO LEH LAGAMA YAABO IN BULSHADU KA HESHO LAKIIN QARAABADA IYO EHELADA MADAXTOOYADA AYUUNBA LAGU KOOBAYA IN SHAQAALE LOOGA DHIGO LAGUNA NAAS NUUJIYO. BAARLAMANKA IYO GUURTIDANA IYAGA IN XISAABTOODA SI GAAR AH LOO SIIYO SI AANAY UGABA HADAL IYADOO MAR WALBA AAN LABA SOO MARIN BAARLAMANKA MAALGASHIGU WAXUU KA KOOBANYAHAY IYO QAWANIINTA DALKA UGA TAALA. MAALINBA MEEL AYAA DHAGAX LA DHIGAYAA AAN UMADII ULAHAYN DHEEF OO XATAA GAADIIDKII WADANKA EE MUWADINIINTU AANAY WAX FURSAD AH UGABA BANAANAYN OO AANAY KABA HELIN HABA YARATEE. WAXAA MAANTA HABOON IN UMADU BARAARUGTO OO IS NIDAAMISO WAAYO WAXAYNU TAAGANAY WAKHTIGII AAYNU LA XISAABTAMI LAHAYN XUKUMADAN MADAXWEYNE SILAANYO OO RUNTII XISAAB CELIN XOOGA AAYNU UGA FADHINO. WAA IN DAREENKEENA OO MIDEYSAN ARIMAHAN IYAGA AH KAGA HADALAA WAAYO UMADU WAXAY U BAAHANTAHAY WAX DALKIYO DADKUBA FAA IIDO U AH HALKA AAY IN GAAR AH IYO QABIIL KOOTO AH GACANTA WAX UGU GALAYAAN LAKIIN AAY TAHAY IN DHAMI QABAAYILADA SOMALILAND SI SIMAN OO CADAALAD KU DHEEHANTAHAY WAXII SOO BAXA IN AAY UGU QAYBSADAAN TAASAANA DHALINAYSA IN UMADU NOQOTO UMAD ISKU DUUBAN OO WADAJIR WAX U QABSATA HALKA MAANTA AAYNU KA KALA QAYBSANAHAY.




SIYAASINA MAANTA REERKISA OO DHAN WAX MA GAADHSIYO HADANA INTAA WAYNU U DAGALANAA UNA DOODNAA IYADOO INTEENA BADANI KA BAAHANAHAY, WAXAAN LEEYAHAY UMADANA KU BARAARUJINAYAA IN HURDADA AAY KA KACAAN OO MUSTAQBALKOODA EEGAAN KANA FIKIRAAN WAXII U DAN AH EE MIDAYNAYA.




 




ADEN DEEQ