Hargaysa(GNA) -Kastamka Laascaanood ayaa qabtay laba iyo toban Baabuur oo kow iyo toban ka mid ahi Landcruiser-o yihiin midna Bas NOHA ah, kuwaas oo la doonayey in si tuugo ah dalka lagu soo galiyo.
Baabuurtan Landcruiser-da ah ee la qabtay ayaa la dhalan-rogay Buugaagtooda, si loogala baxsado wasaaradda Maaliyadda Cashuurta ku waajibtay, waxaana lagu sameeyey noocyo kale oo ka qiimo jaban.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Cashuuraha wasaaradda Maaliyadda ayaa booqasho ku jooga magaaladad laascaanood, halkaas oo ay gaadiidku ugu xaraysan yihiin, waxaanu bilaabay qorshe uu ku xoojinayo sidii loo qab qaban lahaa shixnadaha lagaga baxsanayo cashuurta, kuwaas oo ay gaadiidku qayb ka yihiin.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa hore magaaladda Burco ugu qab qabatay koox farasamayaqaano ah oo ganacsatada gaadiidka ka baayac mushtaraysa u dhalan-rogi jirtay Buugaagta iyadoo iyaga iyo qalabkoodiiba la xukumay, waxaanay taasi u fududaysay in ay qab qabtaan dhamaan gaadiidkii ka danbeeyey ee lagala baxsanayey cashuuraha.
Madaxa Hanti-dhawrka wasaaradda maaliyadda ayaa cadeeyey in ay wadaan olole balaadhan oo ay kula dagaalamayaan gaadiidka la dhalan-rogay iyo cashuuraha kale ee lala dhuumaalaysto.